Puntland: Xubno katirsan Al Shabaab oo dil lagu xukumay

Image

GAROOWE, Puntland - Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta u fariisatay dhageysigii ugu dambeeyay ee dacwado lagu soo oogay eedaysanayaal lxabsiga ugu jiray inay Al Shabaab iyo Daacsish inay katirsan yihiin.

Dadkan maxkamad lasoo taagey maanta oo Arbaco ah oo dhamaantooda Rag ah ayaa lagu riday xukunno kala duwan.

Xassan Laamow Aadan, Yaasiin Cismaan Cabdi Saalax oo lagu soo eedeeyay inay katirsan yihiin Daacish iyo Xassan Maxamed Cali Ibraahim oo Al Shabaab ah, ayey maxkamadu ku xukuntey dil toogasho ah.

Sidoo kale, Xuseen Jaaylaani, Cabdi Cumar iyo Bishaar, kuwaasi oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa lagu xukumey Xabsi daa'in, sida ay ku dhawaaqdey maxkamadda.

Dhinaca kale, maxkamadda ayaa Shan sano oo xabsi ah iyo bixinta lacago magdhow ah ku xukuntey Laba Xidigle Maxamed Jaamac, oo ka tirsan Ciidanka Puntland, kaasi oo loo heysto dilka ruux shacab ah.

Hay'adaha xuquuqul Insaanka caalamka ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada inay ridaan xukunno aan sharciga waafaqsaneyn iyo dilal toogasho oo lagu fuliyo dad ay caruur ku jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM