Puntland: Xukun lagu ridayo dad la dhuuntey canshuurta

Image
Image
Image
Image
Maxkamadda oo dhegeysatay dacwada la dhuumashada Cashuurta, ayaa go'aamisay in beri ay xukun soo saari doonto.

GAROWE, Puntland - Ciidamada Ilaalada Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Nugaal, ayaa soo qabtay Gaari waday Qaad kaasoo doonayay in si cashuur la'aan ah uu ku soo gasho Garoowe.

Gaarigan, oo noociisu yahay Nooha ayaa waday 16 jawaan oo Qaad ah kana yimid Degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Ciidamada, Ilaalada Cahuuraha oo helay xogta Gaarigan Qaadka wada  ayaa ku qabtay Deegaanka Salaxley.

Gaariga iyo Qaadka uu wadayba ayaa la hor geeyay Maxkamada Darajada kowaad ee gobolka Nugaal si loo Maxkamadeeyo.

Agaasimaha Furdooyinka Dawladda Puntland Mahdi Faarax Qambi iyo Taliyaha Laanta Ilaalada Cashuuraha gobolka Nugaal G/le Liibaan Xuseen Guure, ayaa Maxkamadda geeyay cadeymaha dacwadda ee ku aadan la baxsashada Cashuurta.

Maxkamadda oo dhegeysatay dacwada la dhuumashada Cashuurta, ayaa go'aamisay in beri ay xukun soo saari doonto.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland, ayaa muddooyinkan waday la dagaalanka la baxsashada Cashuuraha, waxaana Gaadiid loogu tala galay la baxsashada Cashuuraha loo qeybshay Ilaalada Cashuuraha ee gobolada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM