Qaabka loo bililiqaystay kaararka codbixiyaashu qaadan waayeen

Image
Talaabadan ayaa dab kusii shideysa tuhunka ay qaar kamid ah ururadda siyaasada ka muujiyeen hufnaanta iyo dhexdhexaadnimadda guddiga TPEC .

GAROWE, Puntland - Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka dowladda Puntland ayaa wajahaya fadeexad kadib markii liisaska dadka is-diiwaan-geliyay uu u dusiyey ururka xukuumadda Saciid Cabdullaahi Deni ee waqtigeedu bilooyinka uga hareen ee KAAH.

Talaabadan ayaa dab kusii shideysa tuhunka ay qaar kamid ah ururadda siyaasada ka muujiyeen hufnaanta iyo dhexdhexaadnimadda guddiga TPEC kaasoo ay sheegeen in uusan si cadaalad ah u maamuli karin coddeynta 25-ka May, 2023.

"Kaararkan oo dadkii xaqa u lahaa qaadan waayay oo u imaan waayay ayaa tirada ugu badan waxaa lagu wareejiyay xubnaha ururka KAAH ee xukuumada, ururada mucaraadka qaarkood iyo musharixiin iskood u iibsaday," ayuu yiri qof xog-ogaal ah.

Dad ku dhow 390 kun oo qof ayaa la sheegay in ay iska diwaangeliyeen guud ahaan Puntland hase yeeshee lama yaqaan tirada qaadatay kaararka taasoo kamid ah waxyaabaha tuhunka abuuray.

"Iyadoo 36 saac wax ka yar ay ka dhiman tahay waqtiga loo dareerayo doorashada ayaan weli la shaacin liiska codbixyaasha qaatey aqonsiga codbixinta iyo seejiiyinka ay ka codayn doonaan," ayuu Garowe Online u sheegay wariye madax-banaan.

Doorashadii tijaabada ahayd ee sanadkii 2021-kii, TPEC waxay liiska shaaciysay 5 maalmood ka hor maalinta doorashada taas oo qayb ka ahayd hufnaantii doorashada, si aan loo isticmaalin kaararkii dadkii lahaa u imaan waayeen.

Dhanka kale, ciidamada Puntland ee kasoo horjeeda doorashada lagu muran-san yahay ayaa gacanta ku dhigay sanaadiiqda loo waday deegaano ka tirsan gobalka Nugaal kuwaasi oo caawa Guure looga qaadi rabay caasimada.

Sidoo kale, waxaa weli taagan is faham waaga la xiriira hanaankaan oo ay horey u qaadaceen ururada siyaasadda Puntland qaarkood. Madaxwayne Deni oo waqtigiisa ay bilooyin uga hareen ayaa ku fashilmay in uu xal siyaasi ah ka gaaro murankan isku-rogay xasarad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM