Garowe: Dadweynahu ha bixiyaan canshuuraha [Dhageyso]

Image

July 26,2015 (GO)- Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Garowe Qaasim Maxamed Cabdi ayaa ka hadlay bixinta canshuuraha gaadiidka iyo guryaha magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

Qaasim ayaa sheegey inay dhaliilsanyihiin qaabka ay u dhaqmayaan dadka aan fahamsanayn muhiimadda ku jirta in la bixiyo canshuuraha ku waajibay.

"Waxaa jira dhaliilo noo muuqdey oo ah baabuurta qaar kuwaasi oo ka leexanaya goobaha lagu qaadayo canshuuraha kuwaasi oo mararka qaar dhalin kara isku dhaca askarta canshuurta qaadeysa iyo dadka wada gawaaridda" ayuu yiri Xoghayuhu.

Xogahayaha ayaa dhinaca kale digniin u dira dadka qashinka ku shuba togga biyahu maraan ee magaalada Garowe.

"Waxaa jira arrin deegaanka saameyn ku yeelatey sidoo kale saameysay nolosha xoolaha, taasoo ah togga lagu guro ciid, waxaan horey uga soo saarney awaamiir kala duwan, ciddi lagu soo qabto falkaasi waxaan la tiigsan doonnaa sharciga" ayuu yiri xoghayaha degmada Garowe.

Askarta Canshuurta qaadda ayuu ka codsadey inay si wanaagsan ula dhaqmaan qofkii aan fahamsaneyn bixinta cashuuraha.

GAROWEONLINE
 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM