Qaban-qaabiyeyaasha Shirka Maalgashiga Puntland oo la sharfey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Munaasabad Casho Sharaf ah u sameeyay Guddigii iyo xubnihii kala duwanaa ee ka shaqeeyay qabsoomida Shirkii Maalgashiga Puntland, oo (15-17), September 2019 ku qabsoomay Caasimada Garoowe.

Munaasibada Casho Sharafta ah ee loogu mahadceliyey dadkii ka shaqeeyay qaban qaabinta iyo diyaarinta Shirka, waxaa ku weheliyey Madaxweynaha xubno ka tirsan Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka, Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Puntland, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Dowladda Puntland, Qurbo joog iyo masuuliyiin kale ayaa kasoo muuqdey.

Madaxweyne Deni ayaa u mahadceliyey Guddigii Dowladdu u xilsaartay qabashada Shirka Maalgashiga Puntland iyo dhammaan dadkii kala shaqeeyay qabsoomida Shirka.

Wuxuu Bogaadiyey doorkii ay qaateen Laamaha Amniga, Warbaahinta, Kooxaha Farsamada, Maamulka Hoteelka Martisoor, Doorkii gabdhuhu qaateen, Shirkadda Tarjumaada Luuqadaha iyo dhammaan cidkastoo si uun uga qeyb qaadatay qabsoomida Shirka.

Wuxuu Bogaadiyey doorkii ay qaateen Laamaha Amniga, Warbaahinta, Kooxaha Farsamada, Maamulka Hoteelka Martisoor, Doorkii gabdhuhu qaateen, Shirkadda Tarjumaada Luuqadaha iyo dhammaan cidkastoo si uun uga qeyb qaadatay qabsoomida Shirka.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shahaadooyin gudoonsiiyey xubno metalaya guddiyadii iyo dadkii kala shaqeeyay qabsoomida Shirka Maalgashiga Puntland.

Shirkaas oo ay kasoo qeybgaleen 400 xubnood oo ka kala socday dowladdo iyo shirkado ayaa waxaa kasoo baxay maalgashi 467 milyan ah, taasi oo guddi loo saarey dabagalkeeda iyo fulinta.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM