Qabanqaabada qabsoomida Shirka Maalgashiga Puntland oo socota

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horaantii sanadkan 2019 kaga dhawaaqay magaaladda Garowe in 15-ka bisha September uu qabsoomayo Shirka Maalgashiga Puntland.

Shirkaasi oo qaban-qaabadiisa loo xil-saarey Guddi isugu jira wasiiro, ganacsato iyo xubno kale ayaa waxaa kasoo qeybgeli doona ganacsato ka kala socota Puntland, guud ahaan Soomaaliya iyo dunida.

Guddiga qaban-qaabada oo durba bilaabay gudashada waajibaadkooda ayaa Garowe wuxuu kula kulmay ganacsato reer Puntland ah, kuwaasi oo ay kala hadleen shirka iyo kaalinta kaga aadan.

Maxamed Caydiid Jaamac, gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland ayaa shaaca ka qaadey in ay diyaar u yihiin ka qeybgalka shirkaasi, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey in ay door muuqda ka ciyaari doonan.

Shirkan oo maalmo soconaya ayaa lagu soo bandhigi doonaa kheyraadka Puntland iyo fursadaha banaan ee u baahan maalgashiga, iyada oo ay xukuumadu diyaarineyso siyaasad ku aadan arrintaasi.

Ismaaciil Daariiye, Wasiirka Degaanka iyo Isbedelka Cimilada, oo xubin ka ah guddiga ayaa kalsooni ku qaba in shirka uu hormuud u noqdo maalgashi ballaaran oo kusoo hirta Soomaaliya.

Fursadaha maalgeshiga u baahan ayaa waxaa kamid ah kaluunka, oo kamid ah kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya si gaar ah Puntland, iyadda oo ammaanka xeebaha ay yihiin kuwa laysku haleyn karo.

Deni, oo dhaqaale-yahan ah isla markaana wacad ku maray in uu kobac dhaqaale u horseedi doono Puntland, ayaa horey ugu balanqaadey maalgashatada in loo fududeyn doono adeegyada ay ubaahan yihiin.

Balse wuxuusan meesha ka saarin in xukuumadiisa ay ka shaqeyn doonto danaha Puntland iyo shaqo abuur ay maalgashiga ka helaan dhalinyaradda wax ku baratay dalka ee shaqo la’aanta wajahaya.

Ugu dambeyn, Cabdullaahi Cabdi Xirsi, wasiirka Ganacsiga, ayaa hoosta ka xariiqay in ujeedooyinka shirka ay qeyb ka tahay in ay ka faa'ideysantan maalgalin caalami ah oo loo helo soo saarista kheyraadka dihan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM