Qaramada midoobay oo Dadaal gelinaysa Doorashada Puntland

Image

Garowe-Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya, Catrina Liang ayaa maanta Garowe kula kulantay madaxweynaha Puntland ee maalmaha uun ay ka dhiman yihiin Xil-hayntiisa Dastuuriga ah, Siciid Cabdulaahi Deni iyo xubno kamid ah golaha wasiirada.

War-saxaafadeed ay soo saartay ayay ku sheegtay in ay muhiim tahay in wadahadal laga galo arinta Doorashada isla markaana madaxweynuhu Qanciyo Saamileyda siyaasadda oo kaliya aan ahayn mucaaradka ee ay ku jiraan Dhaqanka, Dhalinyarada iyo Haweenka.

Mucaaradka Puntland oo iyagu Garowe kasoo saaray maanta war-saxaafadeed ay iska-hor-imaadkii dhawaa Garowe ka dhacay ay mausuliyadiisa ku saareen madaxweynaha sii tagaya, Siciid Deni ayay la kulantay Catrina Liang.

inkasta oo aan war-sxaafadeedka si gaar ah looga hadal wixii dhex maray Wakiilka xoghayaha guud iyo xubnaha Madasha Mucaaradka Puntland hadana waxaa lagu lifaaqay war-saxaafadeedka sawirka kulanka.

Madasha mucaaradka Puntland oo ay ku midaysan yihiin siyaasiyiin, Murashaxiin iyo urur siyaasadeedyada Mideeye, Horseed, Shaqaalaha iyo Dhalinyarada ayaa iyagu aqbalsan in la aado Gudoonka Isimada oo dhawaan shir Garowe kusoo dhamaaday ay Isimadu ku gudoomiyeen in Doorashada Puntland ee soo socota lagu galo wadadii hore ee xubnaha 66-da isla markaana ay odayaasha dhaqanku soo xulayaan.
 
Madaxweynaha Xil-hayntiisa Dastuuriga ay maalmaha ka harsan yihiin ee Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa muujiyay dhawaan sida uu ugu hamuun qabo in uu colaad kursiga ku joogo kadib hadal jeedin uu ka sameeyay taliska ciidamada Daraawiisha Puntland ee 54aad isaga oo maalmahas sameeyay wax ay Madasha Mucaaradku ugu yeertay kicin iyo hurin Colaad Qabiil.
 
GaroweOnline.

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM