Qaramada Midoobay oo ka hadashay arrimaha kasocda Galkacyo
GAROWE, Puntland- War lagu daabacay Bogga Internetka ay ku leedahay Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay wadahadallada ka socda magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ee u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug, waxaana la sheegay in maalintii Shalay ahayd is arkeen labada Madaxweyne [Gaas iyo Guuleed].
"Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa shalay dib u billaabay wadahadalkooda ku aaddan hirgelinta xabbadjoojinta magaalada Gaalkacyo iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wakiillo ka socday Beesha Caalamka, "Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka lagu daabacay Bogga UNSOM ku leedahay Internetka.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, oo uu weheliyay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Lydia Wanyoto, Axmed Jire oo ka socday Urur Goboleedka IGAD.
"Waxay la kulmeen hoggaanka dhaqanka, odayaasha beelaha, iyo dhallinyarada labada dhinac ee isku haya magaalada Gaalkacyo, si ay u dhegeystaan dareenkooda iyo soo jeedintooda, oo ay ka midyihiin sababaha asalka u ah colaadda Gaalkacyo, arrimaha keena inuu sii socdo iyo habka lagu heli karo nabad waarta,"Sidaas lagu sii daray qoraalka boggaasi lagu daabacay.
QM, ayaa sidoo kale sheegtay in xarunta gobolka Mudug ay ka jirto nabad aan cago badan ku taagnayn iyadoo sidoo kale lagu magacaabay guddiyo ka kooban 18 sida lagu yiri qoraalka,"Nabad aan xoog lahayn ayaa ka jirtay magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda toddobaadkii tagay. Waxaa la sameeyay guddi wadajir ah oo ka kooban 18 xubnood si ay ula socdaan hirgelinta xabbadjoojinta, wadahalkuna hadda wuu socdaa, si la isugu afgarto hab dibuheshiisiin".
Waxa intaas lagu daray inay socdaan wada hadallo qotodheer oo labada dhinac u dhaxeeya kaasoo looga hadlayo arrimaha taaga oo uu garwadeen ka yahay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmeeke.
GAROWEONLINE