Qarax ka dhacay Boosaaso xilli laga cabsi qabo gacan ka hadal

Image
Shacabka ayaa bilaabay in ay ka qaxaan xaafadaha magaaladda gaar ahaan aaga ay dageen guddiga ku meelgaarka doorashadda.

BOOSAASO, Puntland - Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ahna xarunta ganacsiga Puntland ayaa caawa waxaa ka dhacay qarax bambo gacmeed ah, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo dhanka ammaanka ah.

Qarax ayaa lagu tuuray hotelka Jaabir halkaasi oo ay dagan yihiin guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo iyagu wada olole diiwaan-gelin hubeysan oo hal dhinac ah, sidda qaar kamid ah ururada siyaasadda sheegeen.

Ururada siyaasadda Puntland ee Horseed, Mideeye, Shaqaalaha iyo Dhalinyarada ayaa isla caawa kulan ay Garowe kula qaateen madasha siyaasadda Puntland waxay ugu baaqeen Deni in uu joojiyo "is diiwaan-gelinta hubeysan".

Ciidamo faro badan oo madaxweyne Deni Boosaaso ku guray ayaa shacabka dhibaato ku haya iyada oo ay ka cawdeen ardayda qaybtood oo goobahooda waxbarasho laga dhigay fariisimo ciidan kadib markii la geeyay agabka is diiwaan-gelinta ee hubeysan.

Isku-dhacyo iyo dibad-bax

Xiisad ayaa laga cabsi qabaa in ay isku rogto isku-dhacyo iyo dibad-bax. Ururada siyaasadda qeybtood waxa ay sheegeen in mudaaharaad ay ku qabanayaan magaaladda Boosaaso.

Banaanbaxa ayaa waxaa lagu waramay in Ururadda ay ku taageerayaan shacabka Laascaanood oo xukuumadda Deni lagu eedeeyay in ay ka gaabisay waajibaadkeeda.

Shacabka ayaa bilaabay in ay ka qaxaan xaafadaha Boosaaso gaar ahaan meelaha u dhaw xarumaha guddiga kumeel gaarka ah maadaama ay jirto cabsi ah in damaca ay fulinayaan uu keeni karo gacan ka hadal iyo qulqulatooyin.

Dhanka kale, war-saxaafadeed ay soo saareen odayaasha iyo waxgaradka gobalka Bari ayay ku sheegeen in xukuumadda madaxweyne Deni ku fashilantey hanaanka dimuqraadiyadda Puntland.

"Urur siyaasadeedka tobanaad"

Aqoon-yahanka iyo waxgaradka ayaa ugu baaqay in la ilaaliyo nabad-galyada Puntland gaar ahaan gobalka Bari, "iyada oo laga walaac qabo in xaaladda cakiran ee Boosaaso ka taagan ay isu badasho gacan ka hadal".

Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ee TPEC ayay ugu baaqeen in ay dhowraan dhex-dhexaadnimada, "iyada oo dhawaan urur siyaasadeedka Horseed uu ku tilmaamay TPEC in ay noqotay urur siyaasadeedka tobanaad ee Puntland".

Shirka odayaasha, waxgaradka iyo aqoon-yahanka gobalka Bari ayaa si xoogan u diiday in cidDa ka aragtida duwan xukuumada Deni loo adeegsado awood ciidan. Arintaan ayaa imaanaysa xilli Deni uu Boosaaso ku daabulay ciidamo fara badan oo laga digay maalmihii lasoo dhaafay. "Xasuuqa Somaliland ku hayso shacabka Laascaanood" ayay ka digeen "in ay isu badasho isir-sifayn"

Beesha caalamka ayay cod dheer ugu booriyeen in ay dib u dhigaan taageeradooda inta laga gaarayo doorashada Puntland sanadka 2024, "si aysan doorashada halka dhinac lagu tilmaamay u horseedin colaado," sidda ku cad bayaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM