Qaraxii ka dhacay Garowe oo si xoogan loo cambaareeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si xoogan wuxuu u cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ee caawa fiidkii ka dhacay nawaaxiga saldhiga booliska Garowe, caasimadda Puntland.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa falkaas wuxuu ku tilmaamay in uu ahaa "mid argagixiso".

Weerarkaas ayaa lagu beegsaday gudoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo Faarax Galangooli, oo mar sii noqdey taliyaha booliska gobolka. Askari ayaa kamid ah bukaanada.

Warbixinadda ayaa soo jeedinaya in Xirsi iyo Galangooli uu dhaawacoodu yahay "mid culus" ayna ku jiraan qolka xaaladda deg-deg ah.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa soo kabasho deg-deg ah wuxuu u rajeeyay mas'uuliyiinta.

"Waxaan canbaaraynaa weerarka argagexiso ee lala beegsaday Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo masuuliyiinta kale. Waxaan Alle uga baryayaa in uu caafimaad degdeg ah siiyo," ayuu yiri.

Siyaasiga ayaa intaas ku daray "Garowe waxay ahayd xarun nabdoon oo argagexiso ka maran. Ilaaheey dadkeena Coronavirus, Argagexisada Abaaraha iyo colaada ha ka dulqaado".

Bishii April 20-keeda sanadkii 2015, qarax aan wali la hubin noociisa oo lagu beegsaday shaqaale ka tirsan xafiiska UN-ka ee Muqdisho ayaa dilay todoba ay laba kamid ah yihiin ajaaniib, shanta kelana ay Soomaali ahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM