Qaybinta gaadiid loo iibiyey degmooyinka Puntland oo la bilaabay

Image
Dowladda Puntland oo kaashaneysa Bangiga Aduunka ayaa si wadajir ah u soo iibiyey gaadiidka Ambalaska ah.

GAROWE, Puntland - Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ayaa maanta degmada Taleex ee gobolka Sool ku wareejisay gaari Ambulus  ah kaasoo loogu talagalay in loogu adeego hooyada iyo dhalaanka ku nool degmada iyo hareeraheeda.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan, wasiirkuxigeenka wasaaradda Maaliyada, xildhibaano,agaasimaha guud ee wasaaradda, isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Sool iyo xiriiriyaha Puntland ee Mashruuca Marwo Caafimaad ayaa ka qaybgalay wareejinta ambuluska.

Dr- Abdirisaaq Xirsi Xasan oo hadal ka jeediyay kooban furitaanka ayaa yiri "Baabuurka Ambuluska ee maanta aan ku wareejinayno degmada Taleex ee gobolka Sool waxay ka mid tahay baabuur dawlada oo kaashanaysa Bankiga aduunka u soo iibisay qaar kamid ah degmooyinka Puntland shalayna aan degmada Eyl ku wareejinay maantana Taleex aan ku wareejinayno.”

Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad iyo Xildhibaan Ahmed Yaasiin oo iyaguna ka hadlay xaflada lagu wareejinayo gaariga ayaa xusay muhiimada gaarigaan degmada uleeyahay.

"Waxaan uga mahadcelinaynaa in maanta aan goobjoog u noqono wareejinta wasaaradda caafimaadka ku wareejinayso degmada Taleex ee gobolka Sool, waxaan sidoo kale wasaaradda ku bogaadinaynaa gaarsiinta adeega caafimaad deegaamada laamiga ka fog oo degmada Taleex kamid tahay, kuwaasoo sida aad ogtihiin baahiyahoodu badanyihiin fursadahooduna yaryahay, waxaan sidoo kale maamulka caafimaadka heer gobol iyo midka degmada Taleex kula dardaarmayaan inay ilaashadaan sida loogu talagalayna uga faa’iidaystaan," ayuu caddeeyay.

Sharci-dejiye Abdi Warsame Wasiirkuxigeenka wasaaradda maaliyada oo isaguna ka hadlay ayaa sheegay:

"Waxaan ugu hambalyaynayaa degmada Taleex in maanta ay helayaan tan iyo sidii ay degmada unoqdeen gaarigii ugu horeeyay oo ambulus ah kaasoo meesha ka saari doona baahidii loo qabay, waxaan bulshada degmada taleex kula dardaarmayaa inay ilaashadaan gaarigaan casriga ah oo cusub, ugu danbeyna wasiirka iyo wasaaradda waan uga mahadcelinayaa inay degmada Taleex kamid noqotay kuwa nasiibka uyeeshay inay ambulska helaan," ayuu tibaaxay.

Dr- Jamac Farax Xasan Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntlnd oo hadal ka jeediyay ayaa xusay muhiimada ay uleedahay wareejinta iyo gaarsiinta baabuurta Ambuluska ah ee degmooyinka laamiga ka fog waxa uu yiri:

"Waxaan ku faraxsanahay in maanta aan ku wareejino maamulka caafimaadka gobolka Sool iyo kan degmada Taleex gaarigaan Ambuska oo aan ugu talgalnay in loogu adeego hooyada iyo ilmaha iyo xaaladaha degdega ah.”

Wuxuu xusay: "Wareejinta gaarigaan waxa uu qayb ka yahay siyaasada wasaadda caafimaadka ee ah in adeeg la gaarsiiyo degaanada laamiga ka fog loona daboolo inta la awoodo baahiyaha caafimaad ee ka jira, waxaana baahiyaha ugu weyn ee ka jira tahay helitaanka baabuurta Ambulska ah, degmada Taleex waxay mudo dheer kadib maanta yeelanaysaa gaari ambuls ah oo loogu adeegi doono Hooyada iyo ilmaha".

"Ugu danbeyn waxaan kula dardaarmayaa maamulka caafimaadka gobolka Sool iyo kan degmada Taleex inay ilaashadaan dhawrtaan dayactirtaan, wasaaradduna waxay si dhaw udaba gali doontaa gaarigaan iyo in looga faa’iidaystay sidii loogu talagalay".

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM