Qeybaha ay ka koobnaaneyso xaafad cusub oo laga hirgelinayo Boosaaso

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Xaafad cusub oo laga hirgelinayo xarunta gobolka Bari ayaa todobaadkaan la dhagax-dhigay.

Mashruuca lagu dhisayo xaafadaan ayaa waxaa maal-gelinayo ganacsato Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland oo iskooda isu xilqaamay.

Magaca loo baxshay waa Xaafada Cagaaran ee Boosaaso, taasi oo ka dhigan in la doonayo inay noqoto mid ka duwan kuwa kale.

Sidda ay sheegeen Injineerada, waxaa qorshuhu yahay n xaafada ay noqoto mid isku filan markay timaado adeegyadda.

"Waxaa isla qaatay in 50% oo kamida xaafada ay noqoto adeeg guud, halka 50% ay noqoneyso dhulkii la degi lahaa," ayuu yiri mid kamida Injineerada.

Ku dhowaad 2500 guri ayaa la rajeynayaa in la dhiso, kuwaasi oo badankooda ah guryo qaab casri ah loo farsameeyay qaabkooda.

Wadooyinka ay yeelaneyso ayaa la sheegay in ay cabirkoodu gaari doonan 16 illaa iyo 30, taasi oo la macno ah in ay geli karaa gaadiid nooc kasta.

Goobaha waxbarashada ee xaafadaan loo diyaariyey waxaa kamid ah – saddex Iskuul – laba hoose iyo mid sarre ah. Ma yeelan doonto Jaamacado.

Goobo caafimaad oo u badan Isbitaalo iyo xarumo MCH ayaa intaasi wehlisa in ay xaafadda Cagaaran loo sameyn doono.

Masaajiid wayn, saldhig Boolis, garoon kubadda cagta lagu dheelo biyo xireeno iyo Aag ganacsi ayaa intaasi wehlisa.

Maamulka gobolka Bari iyo xukuumada Puntland ayaa aad u soo dhaweeyay xaafadaan cusub taasi oo nooceeda oo kale aan laga hir-gelin Soomaaliya.

Mashruucaan oo ay ku baxeyso balaayiin dollar ayaa qayb ka ah maalgeshi ay ganacsatada Puntland ku sameysanayaa dhulkooda iyada oo ay ufududeyneyso xukuumada.

Tani ayaa kusoo beegmaysa iyadda oo dowladda Puntland qaban-qaabineyso shirwayne maalgashi, kaasi oo bilooyinka soo aadan ka furmi doona magaalada caasimada ah ee Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM