QM oo shaacisay qoraal ku socda Madaxweynaha dowlada Puntland

Image

Qoraalkaan oo xafiiska UNSOM soo gaarsiiyey Warsidaha GAROWE ONLINE ayaa waxaa ku sixiixan wakiilada xafiiska UNSOM ee Somalia, Wakiilka IGAD ee Somalia iyo Wakiilka midowga Yurub ee Somalia.

Warqadaan oo ku socotay Madaxweynaha Puntland ee Somalia Cabdiweli Cali Gaas ayaa waxaa wakiiladan ku xaqiijinayaan in heshiikii dhowaan lagu saxiixey magaalada Muqdhsu kasoo maamul loogu sameynayey gobolada Galgaduud , Mudug iyo Ximan Xeeb uusan carqalad ku aheyn jiritaanka Puntland.

Wakiiladaan ayaa dowlada Puntland u balan qaadaya in heshiiskaan uu khuseeya maamul u sameynta Galmudug oo ka arimisa Koonfurta Mudug, Galkaduud iyo Ximan Xeeb oo ka arrimisa maamulka saldhigiisu yahay Cadaado.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale qoraalkan kaga codsaneysa inuu Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas dib u soo celiyo heshiiska dowlada Federaalka ah madaama Puntland laf-dhabar u tahay nidaamka Federaalka inuu ka hirgalo Somalia.

Dowladda Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa horey loogu eedeeyey in xiriirka dowlada Federaalka soo celiyey shuruud la'aan xili uu go'anaa.

Xukuumadii Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole ayaa xiriirka u jartey dowlada Federaalka ah kadib markii xadgudub loo gaystey Dastuurka Somalia.

GAROWEONLINE

Halkaan ka akhri qoraalkan adigoo riixaya PDF

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM