Qoyska hooyo iyaddoo xaamilo ah lagu dilay Garowe oo hadlay

Image
Fatxi Saciid Faarax Garcade ayaa la sheegay in ay lix meel ka jabtey ka gadaal markii "si ola kac ah gaari loo jiir-siiyey".

GAROWE, Puntland - Qoyska haweenay iyadda oo uur leh lagu dilay magaalo madaxda dowladda Puntland ayaa dalbadey cadaalad kadib markii garsooreyaal ay sii daayeen eedeysanaha kahor inta dib laga soo xirin.

Saciid Faarax Garcade oo ah aabaha dhalay marxuumada Fatxi ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in aysan ku qanceyn wax aan ahayn in eedeysanaha la marsiiyo shareecadda Islaamka.

"CID-da, taraafikada iyo maxkamada Darajada koowaad ee Garowe oo goobta falka yimid ayaa diiwaan geliyay dil kas ah waxaana aan dalbanayaa in ninkaas la ii mariyo shareecada islaamka," ayuu yiri.

Falka dilka ah oo caasimada Puntland ka dhacay habeenkii August 8-deeda sanadkan 2022 ayaa yimid ka gadaal markii eedeysanaha uu si ku talagal ah ku jiirsiiyey gaari uu watay.

"Gabadheyda gaariga si kas ah ayaa loo jiir siiyey, lix meel ayay ka jabtey, ilmihiina waa wuu ku dilmay, iyadiina waa dhimatay," ayuu hadalkiisa sii raaciyey Aabe Saciid.

Gabar kale oo la taagneyd marxuumadda ayaa dhaawac uu kasoo gaarey dhacdadan. Inantan oo la hadashay Garowe Online waxay warisay in markaas falku dhacayay ay kasoo laabteen caweys ay u aadeen banaanka.

"Gaariga ayuu igu soo dhaweeyay markii aan imaaney guriga wuxuu igu dhahay ha dagin isii raac markii aan ka diidney baabuurka ayuu si xawaare leh inuu soo kaxeeyay," ayay tiri Gabadha oo haatan dhaawac ah.

Sawirro laga soo qaadey meesha ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya burbur xoog leh oo soo gaarey goobta. Laamaha ammaanka Puntland ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan.

Xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha ee Puntland oo Garowe Online ay xiriir la sameysay ayaa sheegay in ay ka war hayeen kiiskan waxaana ay dhaliileen qaabka loosii daayay eedeysanaha.

"Damaanada markii hore lagu sii daayay eedaysanaha looma marin wado sharci ah, kiiskaan waan diiwaan gelinay waanuna la xiriirnay qoyska marxuumada sidoo kale haatan waxaan ku garab taagannahay sidii qoyska dhibanayaashu ay u heli lahaayeen xuquuqdooda," ayuu yiri xafiiska.

Kiisaska noocaan ah ayaa waxay kusoo badanayaan degaanada Puntland iyadda oo ay isa soo tarayaan cabashooyinka ka dhanka ah hay'adaha garsoorka kuwaasoo la sheegay in ay hareeyeen musuqmaasuq, eex iyo nin-jeclaysi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM