Qoyska Saciid Deni oo ka laad-laada mashruuc ay fulineyso FAO

Image
Is-maan-dhaafkan laga cabsi qabo in uu fashiliyo mashruucan ayaa salka ku haya "dano iska soo horjeeda".

GAROWE, Puntland - Is-qabqabsi ayaa ka taagan dhisme cusub oo la doonayo in loo dhiso Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda ee dowlada Puntland, sidda ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.

Is-maan-dhaafkan laga cabsi qabo in uu fashiliyo mashruucan ayaa salka ku haya "dano iska soo horjeeda" oo u dhaxeeya qoyska madaxweynaha iyo shaqsiyaad kale - mid walba doonayo in uu helo qandaraaska.

Dhinacyadda isku-haya fulinta mashruuca ayaa kala ah; wiilka madaxweynaha, Cabdulaahi Siciid Deni, ninka lagu magacaabo Cali Warsame oo ka socda dhanka wasiirka kaluumaysiga ee Rashiid Maxamuud Yuusuf.

Hay'adda hoostagta Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ee lagu magacaabo FAO ayaa maalgelineysa mashruucan. Lama xaqiijin karo haddii doodan ay gaartey madaxda sarre ee FAO.

Cabdullaahi Deni ayaa horey Garowe uga dhisay xarumo dowladeed iyada oo uu baarlamaanka Puntland uu is hortaagay in la gado xaruntii hore ee Dowladda hoose ee caasimada halkaasi oo la doonayay in lagu dhiso wasaarado ay kamid tahay duulista hawada.

Shirkadda Cabdullaahi oo lagu magacaabo Maandeeq Group iyo shirkad kale uu leeyahay aabihiisa madaxweynaha waqtiga ka dhacayo Deni ayaa ku caan-baxay qaadashada qandaraasyada dowladdda.

Qandaraasyada illaa haatan la xaqiijiyey in ay fuliyeen ayaa isugu jira dhismaha wasaraadaha, hay'addaha dowladda, dhismahaha jidadka oo uu saamiyo ku leeyahay, qaadka iyo soo saarista visa-yaasha ardayda.

Cali Warsame ayaa dhankiisa waxa uu qeyb ka ah ganacsato shuraako ku ah jariifka sharci daradda oo uu uga sareeyo walaalkiis wasiir Rashiid Maxamuud Yuusuf isaga oo haysta dhalashadda waddanka Talyaaniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM