RW Somalia oo dhambaal tacsi ah u direy Madaxweynaha DFS

Image

Muqdisho, August 25, 2015 (GO)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Somalia Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa dhambaal tacsi ah u direy Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo walaalkiis Marxuum Cismaan Cilmi Cadaawe ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Mudane Cumar Cabdirashid ayaa waxaa uu Eebe uga baryay marxuumka in uu Jannadiisa Fardowso ka waraabiyo ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

“Anigoo ku hadlaya magacayga, kan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo kan Shacabka Soomaaliyeed , waxaan halkan Tacsi ugu dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Qoyskiisa, Qaraabada iyo Qaranka Soomaaliya guud ahaan, geeridii ku timid Madaxweynaha Walaalkii Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Cilmi Cadaawe oo ku geeriyooday magaalada Nairobi. Waxaan Illaahay Marxuumka u baryaynaa naxariistiisa Janno, sidoo kalena Waxaan Qoyska Madaxweynaha, Qoyska Marxuumka iyo Guud ahan ba Qaranka Soomaaliyeed u rajaynayaa in Eebe Samir iyo Iimaan inaga Siiyo Marxuumkaasi”Ayuu yir Cumar C/rashiid.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM