Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi: "Puntland la iskama dulmari karo"

Image
Wasiirka Koowaad ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa uu caddeeyay in ka war sugayaan ergadda ay dirsadeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa goob fagaare ah waxa uu soo bandhigay mowqifkiisa ku wajahan khilaafka culus ee siyaasiga ah ee ka dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xamse oo kulan dadwayne uga qeybgalay magaalada Kismaayo ayaa waxa uu caddeeyay in madaxweynaha waqtiga ka dhacayo Saciid Cabdullaahi Deni uu qeyb ka ahaa fadhiyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaranka.

"Laakiin goor dhexe ayaa saaxiibkey/walaalkey Saciid Cabdullaahi Deni uu naga baxay," ayuu raaciyay isaga oo aanan sharaxaad ka bixin sababaha dhabta ah ee keenay gadoodka hogaamiyaha xilkiisu gabaabsiga yahay.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu rajo fiican ka muujiyey in Deni uu dib ugu soo laaban doono miiska wadahadalka si loo dhameeyo qadiyadaha uu madmadowga ka jiro.

Inkasta oo illaa haatan aysan wax natiijo muuqda ah aysan keenin, Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa hogaanka Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirSabelle u dirsadey ergo ahaan si ay miiska ugu soo celiyaan Deni.

"Puntland iyo madaxdeeda la iskama dulmari karo. Wali waxaan noo dirsnay eragaas. Waxaa aniga shaqsi ahaan ka rajo qabaa in uu dib noogu soo laabto Deni. Puntland hadda nagama maqno waan sugeynaa," ayuu xusay.

Puntland ayaa waqti-xaadirkan waxa ay dhexda uga jirtaa walaahow siyaasadeed maadaama ay soo dhow-dahay doorashadda madaxtnimada iyo baarlamaanka taas oo Deni uu ka gows-qabsanayo in uu xiligeeda ku qabto.

Dadka la socda arrimaha siyaasadda ayaa rumeysan in dagaalka siyaasadeed uu Deni la dagalayo madaxda federaalka uu salka ku hayo arrimo shaqsi ah oo kala dhaxeeya madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhawaqa kasoo yeeray Xamse ayaa waxa uu imaanayaa xilli xafiiskiisa ay dul-heehaabayaan eedeymo la xiriira in uu gabay kaalintiisa matalaadda siyaasiga ah ee degaanada uu kasoo jeeda iyo inuu noqdo maqaar siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM