Ra'isal Wasaaraha Soomaliya oo maanta Garowe kusoo wajahan

Image

July 13, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa maanta kusoo wajahan magaalo madaxda Puntland ee Garowe. 

Ra'isal Wasaaraha waxaa booqashadiisa Garowe ku weheliya qaar kamid ah wasiirrada iyo xildhibaannada kasoo jeeda Puntland.

Diyaar garow xooggan oo ku aaddan soo dhoweynta wafdigaas ayaa Garowe ka socda, ammaankana si weyn ayaa loo adkeeyey.

Mudane  Cabdirashiid muddo saddex maalmood ah ayuu Garowe ku sii negaan doonaa, wuxuuna la kulmi doonaa Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Jubaland, isimadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. 

Booqashadan ayaa noqoneysa tii labaad ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ku yimaado Puntland, laga soo bilaabo markii xilka ra'isal wasaaraha loo soo magacaabey Dec 17, 2014. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM