Rag AS u fududeyn jiray weerarada Boosaaso oo la maxkamadeynayo

Image

BOOSAASO - Shan nin oo la sheegay in ay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab ayaa ka soo hor muuqday maxkamadda ciidamada Puntland ee magaalada Boosaaso.

Raggan ayaa lagu eedeeyay inay gaadiidkooda u adeegsan jireen inay xubno ka tirsan Al-Shabaab ka soo daabulaan dhulka buuraleyda ah, si ay falal dil ah uga fuliyaan magaalada Boosaaso.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ayaa sheegay in ragaan lasoo qabtay kadib baaritaan lagu sameeyay labo kiis oo dil ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso. Ciidamada Nabad Suggida, ayaa gacanta ku soo dhigay shanta nin iyo gaarigii ay wateen, intii uu hawlgalka socday.

Qaar ka mid ah eedeysanayaasha ayaa ku andacoonaya in Al-Shabaab ay ku qasbeen in ay fuliyaan howlahan, halka qaar kalena ay ku doodeen in ay si aan ogeyn ula shaqeynayeen Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa lagu wadaa in ay xukun ku riddo afar ka mid ah shanta nin, halka mid ka mid ah eedeysanayaasha lagu waayay wax danbi ah.

Mudo sanado ah, Puntland ayaa dagaal kula jirtay AS iyo Daacish oo ku dhuumaalaysanaya dhulka buuralayd ah ee gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM