Maxkamada Sare oo muddeysay dhageysiga kiiska Caasha

Image
Image

GAROWE, Puntland – Xukumaneyaasha gal-dacwadeedka kufsiga iyo dilka ee Caasha Ilyaas ayaa kasoo muuqan doona Maxkamada Sarre markii la muddeeyay waqtiga dhageysiga.

Shaqsiyaadka kiiskan xukunka dilka toogashada ah loogu riday ayaa kala ah; Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige.

Xubnahan oo xukunkooda ay ayiday Maxkamadda Racfaanka kahor inta aysan garka u gelin Maxkamada Darajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa tan Sarre lasoo taagayaa 17-ka bisha August.

Maxamed Xareed Faarax, xeer-ilaaliye ku xigeenka Puntland kaasi oo kiiskan gacanta ku haya tan iyo bilowgiisa, ayaa shaaca ka qaadey in ay xeer-beegtada la hortagi doonan caddeymihii ay horey u soo bandhigeen.

Qareenadda u doodaya xukumaneyaasha ayaa dhinacooda waxaa la filayaa in ay la yimaadan difaacooda gal-maqalkan ay iyagu racfaanka ka qaateen tirro laba jeer ah.

Caasha Ilyaas Aadan, gabar 12-jir ku guda jirtay Waxbarashada Dugsiga Hoose ayaa bishii February meel ku dhow hoygooda Gaalkacyo laga helay meydkeeda markii la qafaashay lana faro-xumeeyay.

Kiiskan oo xukuumadda ay carabka ku adkeysay in ay fulin doonto xukun walba oo ay hay’addaha garsoorka ka go’aan qaatan ayaa waxay qoyska dhibanaha u balanqaaday Cadaalad meesha ugu sareysa.

MUUQAALKA XAREED

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM