​Ruux Biyo la'aan ugu geeriyooday gobolka Nugal [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Abaar xoog leh iyo biyo la'aan baahsan ayaa ka taagan qaybo kamid ah gobolka Nugal, waxaana isa soo taraysa baaqyada ka imaanaysa dadka ku dhaqan goobaha miyiga ah.

Wararka nagasoo gaaraya degmada Eyl, ayaa sheegaya in xaaladda qaybo kamid ah degmadaasi liidato iyadoo maraysa heerkii ugu dambeeyay.

Xildhibaan kamid ah golaha deegaanka degmada Eyl ee gobolka Nugal, ayaa Radio Garowe u xaqiijiyay in ruux ku sugnaa miyiga deegaanada hoos yimaada degmadaasi uu u geeriyootay Harraad dartiis.

Hiirad Maxamed Muuse, ayaa sheegay in gabar yar Oonka jira ugu geeriyootay deegaan lagu magacaabo Afka-Dhuumoodle, wuxuuna ka dayriyay xaaladda dadku haatan ku suganyihiin.

Gabadha geeriyootay ayaa lagu magacaabo Xaliimo Maxamed Farax oo da'a ahaan jirta 7 sano.

Wuxuu sheegay in ka maamul ahaan dadaal sameeyeen oo ilaa 44 goobood gaarsiiyeen Biyo, balse arrintu u egtahay inaan dadka halkaasi ku dhaqan wax taakulo ah la siin.

Majirto ilaa hadda wax gurmad ah oo dhinaca dowladda kasoo gaaray majirto sida uu Xildhibaanku sheegay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Booyadda biyaha lagu keeno deegaanada Eyl hoos yimaada ilaa $300, balse wuxuu sheegay inay adag tahay helistooda maadama sida uu hadalka u dhigay baabuurtu waayeen Shidaal.

Dadka reer guuraaga ah ayuu xusay in xoolihii ka dhammaadeen islaamrkaana aysan haysan hanti ay biyo ku doontaan, isagoo dalab dag dag ah u diray dowladda iyo shacabka Puntland.

Wuxuu ka codsaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadkaasi oo uu sheegay in nolashoodu khatar ku jirto, isagoo ugu baaqay inay baaqooda laga jawaabo.

Hiirad ayaa intaasi ku daray in xilli Roobaadkii hore aysan helin taasi keentay in xaaladda ka dhigto mid cakiran.

Arrintan ayaa timid xilli aysan jirin ilaa hadda wax tallaabo ah ay qaatay dowladda Puntland, waxaana muddooyinkii dambe isa soo taraysay cabashada ka imaanaysa dadka ku dhaqan gobolka Nugal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM