Saahid Maxamuud oo loo doortay Duqa cusub ee Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland - Xildhibaanada gollaha degaanka Gaalkacyo ayaa Isniintii u doortay Saahid Maxamuud Cali duqa cusub ee magaaladaasi.

Saahid oo guusha ku hantiyay 23 cod ayaa labinta ka helay Cabdiqani Diiriye Dhageweyne, murashaxii ugu dhowaa, kaasi oo helay 7 cod.

Hal cod ayaa xumaaday intii ay socotay coddeynta, sidda uu shaaciyay guddiga soo qaban-qaabiyay doorashadda.

Mas'uuliyihiin ka tirsan dowladda Puntland oo uu kamid yahay wasiirka arrimaha gudaha ayaa goobjoog ka ahaa cod-bixinta.

Coddeynta oo u qabsoontay si heer sarre ah ayaa waxaa codadkooda dhiibtay 31-ka xubnood ee Gollaha Degaanka xarunta gobolka Mudug.

Saahid oo wiil dhalinyaro ah ayaa bedalaya Yaasiin Cabdisamad oo si ku meel gaar ah xafiiska u joogay tan iyo bishii November 2018.

Maayarka cusub ayaa ku dhashay magaaladda Gaalkacyo, oo uu ku barbaaray isla markaana uu ku wax bartay.

Magaaladda Gaalkacyo ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa dhinaca waqooyi waxaa muusha Puntland, halka koonfurta uu ka arimiyo maamulka Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM