Saciid Cabdullaahi Deni oo kala qeybinaya Urur Siyaasadeed

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa fulinta qorshahan u adeegsanaya Guddiga ku meelgaarka Doorashooyinka Puntland.

GAROWE, Puntland – Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa bilaabay qorshe uu ku kala qeybinayo Urur Siyaasadeedka Shaqaalaha ee Puntland, sidda ay xaqiijinayaan macluumaad laga helay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Deni oo ku guda jira bilooyinkii ugu dambeeyay xilheyntiisa ayaa, sidda ay xoguhu tibaaxayaan, wuxuu fulinta qorshahan u adeegsanayaan Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland ee loo yaqaano TPEC.

Guddiga TPEC oo horey su’aal ay ka taagneyd kaalintiisa dhexdhexaadnimada kadib fadeexadii hareysay doorashooyinkii tijaabadda ahaa ayaa ka faa’iideysanaya khilaaf laba garab u kala jebiyay Urur Siyaasadeedka Shaqalaha.

"Ajandaha madaxweynaha ee khilaafka Ururka Shaqaalaha waa in uu ka helo garab taabacsan isaga oo meesha ka saaraya siyaasiyiinta miisaanka leh ee ka aragtida duwan," ayuu yiri qof kamid ah dadka xog ogaal ah ee GO la hadlay.

Khilaafka Ururka Shaqaalaha ayaa wararku xusayaan in uu ka dhashay qabsoomida Shirweynaha Ururka, halka warbixno kale ay muujinayaan in ay ka dhalatay "faragelin toos ah oo kaga timid dhanka Madaxtooyadda dowlada Puntland".

Dimuqraadiyad juujuub lagu hirgelinayo

Talaabadan ayaa tusaale kale waxay u noqon kartaa nooca dimuqraadiyad uu Saciid Deni doonayo in uu ka hirgeliyo Puntland taasoo ifafaalaha muuqda tusinayo in uu ku fekerayo qaab juujuub ah iyo adeegsiga awood ciidan.

Ururada Siyaasadda iyo shacabka Puntland ayaa cod dheer waxay uga digeen in hab-dhaqanka noocaan ah uu horseedi karo xasilooni darro iyo hubanti la’aan waxaana ay ku waaniyeen madaxwaynuhu in uu ka joogsado.

"Iyadda oo guddiga TPEC uu adeegsanayo kaarka dhexdhexaadinta ayuu soo saarey qoraal uu ku sheegayo in uu ku dhameynayo khilaafka balse wuxuu kalka dambe ka qeybgalay xaflad ay dhigteen garab kamid ah dhinacyada is-hayay," ayay sheegeen falanqeeyayaal si dhow ula socda xaaladda.

Tani ayaa sababtey in garabka kale ay sheegaan in Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland uu ku milmay khilaafka taasoo jabinaysa doorka dhexdhexaadnimo ee looga baahan yahay hay’ad kasta oo noocaan ah.

Saamileyda siyaasadda ayaa sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen in qorshaha Saciid Deni ay qeyb ka tahay in uu muddo kororsi ku helo barnaamijka doorashooyinka dowladda hoose taasoo baalmarsan dastuurka dowlad goboleedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM