Saciid Cabdullaahi Deni oo lagu eedeeyay "marin-habaabin bulsho"

Image
Wasiirkii hore ee cadaaladda, Cawil Sheekh Xaamud oo u waramay Garowe Online, ayaa dhaliilay madaxweynaha Puntland.

GAROWE, Puntland - Wasiirkii hore ee cadaaladda maamulka Puntland, Cawil Sheekh Xaamud oo u waramay Garowe Online, ayaa madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni waxa uu ku eedeeyay "marin-habaabin bulsho".

Cawil ayaa hadalkan waxa uu dhawaajiyey xilli uu ka jawaabayay dhawaq horey uga soo yeeray Deni oo ahaa "in uu ka xoroobay koox siyaasadeed oo horey u haystay" wallow uusan cid gaar ah magacaabin.

Sida laga soo xigtey Cawil, danta uu Deni ka leeyahay dhawaqaas ayaa waxay noqon kartaa in uu "ku helo taageerayaal cusub". Balse, waxa uu aaminsan yahay in aysan shaqeyn doonin.

Dhanka kale, Deni oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in uu "ku khaldamay magacaabida taliyihii booliska Cabdi Yarre iyo gudoomiyihii guddiga doorashadda ku meelgaarka ah Guuleed Saalax.

Qoomamadaas ayaa waxa uu u cuksadey "in uusan ogayn in ay kula tartamayaan xilka madaxtinimadda". Cabdi Yarre iyo Guuleed Saalax ayaan wali si furan ugu dhawaaqin musharaxnimadooda xilka madaxweynaha.

"Madaxweynaha [Puntland] awood buu u leeyahay qofkuu doono in uu eryo qofkuu doonana keeno. Laakiin waa marin-habaabin [arrinkan kasoo yeeray]. Waxaan leeyahay haddii afartii sano lasoo dhaafay lagu haystey maad iska daysid halka sano kuu hartayna ha lagu haystee," ayuu hoosta ka xariiqay Cawil.

Dhanka kale, Wasiirkii hore ee Cadaalada ayaa ka jawaabay su'aal la xiriirta cabashadda xiliyada qaar ee dugsiyada qur'aanka waxaa uu afka ku balaariyay in ay wax ka jiraan.

"Tacadiyada dugsiyada qur'aanka way jiraan, walaw dadka qaybtood ay aaminsan yihiin in arintaas ay gaalo ka danbayso, misana waa jiraan, sidoo kale ardayda ayaa isku dhiban oo ciriir isku ah," ayuu tibaaxay.

Xukuumadda Deni ayuu ka dhawaajiyay in aan wax talo ah laga waydiin dagaaladii Boosaaso ka dhacay 2021, isaga oo sheegay in markii la galayay iyo magacaabistii danbe aanu isagu shakhsiyan wax ka ogayn.

Dadka falanqeeya arimaha Puntland ayaa marar kala duwan madaxweyne Deni ku tilmaamay in uu kaligii maroorsaday taladii, isla markaana aysan golayaasha kale ee dowladu waxbadan kala socon go'aamada masiiriga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM