Deni oo looga digay burburinta dowladnimada Puntland

Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaadka yahay ayaa lagu waaniyay in uu joojiyo furida dastuurka.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha muddo xileedkiisa bilooyinka uga hareen Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Golaha Wasiirada mariyay qorshahiisa ku aadan furida dastuurka Puntland gaar ahaan qodobka 46-aad.

Qodobka 46-aad ee dastuurka dowladda Puntland ayaa waxa uu xadidaya tiradda Ururada Siyaasada Puntland ee sida kama dambeysta ah u noqonaya xisbiyada rasmiga ah.

Qorshahan jiritaankiisa uu Garowe Online horey u baahiyey ayaa ah in shan xisbi laga dhigo tirada dastuurka ogol yahay oo haatan ah saddex. Talaabadan ayaa salka ku haysa walwal uu Deni ka qabo in coddeynta halka dhinac ah ay kusoo baxaan ururo aan cajibin.

Isbedelkan uu gadaal ka riixayo Saciid Deni ayaa kusoo aadaya xilli qaar kamid ah Ururada iyo Madasha Siyaasada Puntland ay ku eedeeyeen in uu muddo kororsi sharci darro ah ku raadinayo doorashooyinka goleyaasha degaanka ee waqti-xaadirkan lagu muransan yahay.

Dhinaca kale, Madasha Siyaasadda Puntland ayaa soo saartey qoraal ay kaga hortimid barnaamijka Dastuur furista Madaxwehnaha Puntland oo muddo xileedkiisu ka dhiman yahay sideed bilood.

Deni ayay ku waaniyeen in uu ka joogsado burburka uu ku waddo dowladnimada Puntland iyo in uusan horseedi qalalaase siyaasadeed, amni darro iyo jabinta dastuurka oo ah heshiis bulsho.

Baarlamaanka, Maxkamadda Dastuuriga ah, Odayaasha Dhaqanka iyo Shacabka Puntland ayay ku tartarsiiyeen in ay si wadajir ah uga dhiidhiyaan curyaaminta uu Deni ku waddo dowladnimada Puntland.

"Madasha waxay caddeynaysaa xaalad kasta oo ka dhalata [isbadalkan sharci daradda ah] uu mas'uuliyadeeda qaadi doono madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaadka yahay," ayay kusoo xireen warka qoraalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Helay Xabaalo Daacish ku aastay hogaamiyaasha laga dilay

Waxay ahayd difaacii ugu ballaarnaa, marka laga reebo Dhasaan ilaa Miiraale, oo horey gacanta loogu dhigay.

  • Puntland

    24-02-2025

  • 09:19AM

Puntland oo beenisay inay diiday taageeradda dowladda Soomaaliya ee dagaalka ISIS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka maqneyd dhacdooyinkaas, iyadoo kaliya dib u hurinaysa khilaafaadka siyaasadeed ee Puntland.

  • Puntland

    22-02-2025

  • 09:39AM