Saciid Deni oo shaaciyay liiska golaha wasiirada cusub ee Puntland

Image
Tiradda guud ee xukuumaddan ayaa ah 21 kuwaas oo saddex kamid ah ay yihiin dumar.

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu magacaabay golaha xukuumadda cusub ee Puntland kuwaas oo ay ku jiraan waji ku cusub marsaxa siyaasadda maamulkan.

Tiradda guud ee xukuumaddan ayaa ah 21 kuwaas oo saddex kamid ah ay yihiin dumar loona kala dhiibay Wasaaradaha Haweenka, Dhalinyaradda iyo Gargaarka Bini'aadantinimadda.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ayaa loo dhiibay Maxamed Cabdullaahi Axmed, halka Wasiirka Amniga iyo DDR-ta loo xushay inuu madax ka noqdo Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin.

Sidoo kale, Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa kusoo laabtey kursigiisa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dimuqraadiyeynta, halka Wasiirka Maaliyadda loo magacaabay inuu noqdo Maxamed Faarax.

Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo kamid ahaa murashaxiintii madaxtinimada Puntland doorashaddii soo dhamaatay 8-dii Janaayo 2024 ayaa waxaa loo magacaabay Wasiirka Degaanka iyo Isbedelka Cimiladda.

Baarlamaanka Puntland ayaa lagu waddaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeeyo golahan si ay ugu qaadaan codka kalsoonida kahor inta aysan bilaabin in ay si rasmi ah ula wareegaan xafiisyadooda.

Magacaabida golahan ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa iyadda oo uu aad u hooseeyo xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayna muuqaan ifafaalo ay isugu soo dhawanaayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM