Saciid Deni oo shaaciyey aragtidiisa xaaladaha Gedo iyo Baraawe

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale waxa uu taageero u muujiyey kacdoonka dadweynaha Laascaanood.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha muddo xileedkiisa bilooyinka ka hareen Saciid Cabdullaahi Deni ayaa furay kalfadhiga 52–aad de Golaha Wakiilada Puntland kaas oo ah fadhiga ugu dambeeya ee mudaneyaasha haatan joogga.

Deni ayaa khudbadiisa waxa uu kusoo qaatay xaalada Laascaanood wuxuuna taageero u muujiyey baaqii Qaramada Midoobay ee ahaa in ciidamadda Somaliland ay ka baxaan xarunta gobolka Sool.

"Dowladda Puntland waxay si aan qarsoodi lahayn u garab-istaagi doontaa shacabka reer SSC haddii maamulka Muuse Biixi Cabdi uu ka dhega-fureysto baaqyadda Golaha Ammaanka iyo inta nabada jecel oo ah in uu ciidamadiisa kala baxo magaalada Laascaanood," ayuu yiri.

Deni oo sheegay in uusan ka qeybgeli doonin shirarka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa ku eedeeyay golaha in ay ka shaqeynayaan "ajande halis ku ah dowlad dhiska Soomaaliya".

"Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay in ay si gooni ah wadahadal ugala gasho Dowladda federaalka arrimaha masiiriga ah si loo gaaro heshiis dhab ah," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Mar uu soo hadal-qaadey colaadda ka kacdey gobolka Gedo ayuu tibaaxay in Puntland ay ka muujineyso walwal xooggan waxa uuna soojeediyay in si degdeg ah loosoo gabagabeeyo.

"Dowladda Puntland waxay walwal xoogan ka muujinaysaa xaalada amni iyo xasilooni darro siyaasadeed ee gobolka Gedo. Madaxda dowladda federaalka waa in aysan ku kicin ficiladii ay horey ugu cambaareyn jireen madaxdii hore ee ah xayiraada diyaaradaha rakaabka," ayuu tibaaxay.

Ugu dambeyntii, waxa uu carabka ku dhuftey qalalaasaha ka taagan magaalada Baraawe waxa uuna soo jeediyey in gabi ahaanba meesha laga saaro isku-dhacyadda isaga oo ugu baaqay dowladda in ay nabad kusoo dhameyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: We will not sit idle and wait for external support in the ISIS battle

So far, the local security teams have killed over 60 terrorists, destroying several bases in the process within the Bari region.

  • Puntland

    08-02-2025

  • 10:40AM

Puntland Kaligeed Ayay Ku Jirtaa Dagaalka – Madaxweyne Deni oo Ka Hadlay Howlgalka

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dowlado qaar ay gacan ka geysteen…

  • Puntland

    06-02-2025

  • 04:37PM