Saciid Deni oo u jawaabay madaxda dowladda Soomaaliya

Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisa ay bilooyinka ka hareen ayaa ka hadlay isu-soo-bax ururkiisa KAAH.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha muddo xileedkiisa bilooyinka uga hareen ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka jawaabay hadalo kasoo yeeray madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Deni oo ka hadlayay isu-soo-bax qeyb ka ahaa doorashooyinka lagu muransan yahay ee ururkiisa KAAH ku qabtey Gaalkacyo ayaa tibaaxay in ay  ka go'an tahay difaacida Puntland.

"Shirkii saddex-geesoodka ahaa ee Laascaanood lagu burburiyey haddana la rabo in Puntland lagu burburiyo fariintiisa waa na soo gaartey, difaaceedana diyaar baanu u nahay," ayuu yiri.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ku eedeeyay in uu kasoo horjeedo "dimuqraadiyeynta Puntlad". Balse ma uusan soo bandhigin caddeymo xoojinaya hadalkiisa.

"Xasan Sheekh federaal diidnimada waxa uu ku darsadey dimuqraadiyad diidnimo. Nacabka kusoo duulay Laascaanood ka yeeli mayno," ayuu hoosta ka xariiqay.

Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayuu weerar shaqsi ah ku qaadey, waxaana uu ku tilmaamay "xoghayaha iyo shaqaalaha madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya".

“Xoghaynta madaxweynaha ee hadda ra’iisul wasaaraha sheegta fariinta uu kusoo faray waan maqalnay. Shaqadiisii baa madaxweynaha qaatay ma cid buu shaqo siin karaa," ayuu ka sheegay madasha.

Mar uu soo hadal-qaadey qadiyadda Laascaanood, Deni ayaa ku adkeystay in ay ka go'an tahay "xoreynta" xarunta gobolka Sool iyo "in uu ka hortago nacabka kusoo duulay".

"Hadaladii Muuse Biixi shalay uu ka yiri baarlamaanka waa wax ay isla ogaayeen isaga iyo madaxwayne Xasan Sheekh. Cidna uga heebeysan mayno in aan difaacno sharafta iyo dowladnimada dadkeena," ayuu yiri.

Wadashaqeynta Puntland iyo dowladda federaalka ayaa hakad ku jirtay dhowrkii bilood lasoo dhaafay sababo ku aadan khilaaf u dhaxeeya hogaanka labada dhinac xilli Beesha Caalamka ay dalbatay soo celinta iskaashiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM

Madaxweyne Deni oo soo dhoweeyay Golaha Mucaaradka ee Muqdisho laga dhawaaqay

Puntland ayaa xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya kadib markii ay ku xad-gudubtay dastuurka, sidoo kalena awoodda isku soo koobtay.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 09:28AM