Saciid Deni oo weli hangool isaga haya Xamse Cabdi Barre

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa dhowr jeer wuxuu "si cad u diidey" in uu la kulmo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Waa sir shaac ah in aysan weli fool-ka-fool u kulmin madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Xamse Cabdi Barre tan iyo markii bishii June lasoo magacaabay Wasiirka Koowaad.

Fursado dhawr ah oo ay suurtogal ahayd in labada mas'uul ku kulmaan ayaa waxaa arrintaas ka maagtay ama si cad uga hor-yimid madaxwayne Deni, sidda ay fahansan tahay majaladda Garowe Online.

Markii ugu dhaweyd oo labada dhinac isku arki lahaayeen waa shirkii hogaamiyeyaasha maamulada iyo federaalka ku yeesheen Muqdisho kaasoo Deni uu doortey in uu kaga qeybgalo qaab fogaan arag ah.

Sidda ay qeexeen dad xog-ogaal ah, Deni ayaa ka gadoodsan in Xamse uu qaatay kursigii uu isaga goobayay "uuna wali la nool-yahay caradaas xataa iyada oo uu soo dhamaadey ololihii doorashada madaxtinimada federaalka".

"Madaxweyne Deni ayaa aad isugu dhabarjabiyay in isaga loo magacaabo xilka Ra'iisul Wasaaraha ama qof uu isaga soo jeediyo, taas oo haddii ay dhici lahayd uu aaminsanaa in uu ka badbaadi doono weji-gabax siyaasadeed oo uu kala kulmo Puntland," ayuu yiri qof war gal ah.

Hoos-u-dhigid ku talogal ah

Shaqsiyaad aad ugu dhow Deni ayaa u xaqiijiyey warsidaha GO in madaxwaynuhu "uusan doonayn in uu madaxa kor u soo qaado siyaasi aan isaga ahayn marka lasoo hadal-qaado awood-qeybsiga degaan doorashadiisa".

"Tiro aba jeer ah ayuu madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ka hor istaagay Xamse in uu booqdo Puntland, iyada oo markii ugu dambeysay aanan Ra'iisul Wasaaraha lagu casuumin furitaankii dekeda Garacad, taas badelkeed uu madaxweyne Xasan Sheekh ku qasbanaaday in uu dekeda xarigga ka jaro," ayay raaciyeen.

GO ayaa ogaadey in uusan xataa jirin xiriir dhanka isgaarsiinta ah oo ka dhaxeeya Deni iyo Xamse. Warar kale waxay soo jeedinayaan in madaxweynaha Puntland uu dhowr jeer ka jawaabi waayay wicitaanka ra’iisul wasaaraha.

Hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyadda iyo dowladda federaalka ayaa mar kale ku kulmaya caasimada Mqudisho maalmaha soo aadan. Ajandaha waxaa kamid ah siyaasadda, qeybsiga kheyraadka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen oo ah kan kaliya ee madaxda maamuladda ee ka qeybgalay daahfurka furdada Garacad ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wiiqidada dowladda Xasan Sheekh

Deni oo haatan ku guda jira bilooyinkii ugu dambeeyay ee xilheyntiisa madaxtinimada Puntland ayaa damacsan in uu sameysto muddo kororsi isaga oo adeegsanaya kaarka qof iyo cod si uu mar kale isugu soo taago madaxtinimada Soomaaliya doorashadda 2026-ka.

Dadka aadka ula socda dhaqdhaqaaqa Deni ayaa u sheegay Garowe Online in madaxweynaha Puntland uu mudooyinkii ugu dambeeyay waqti-gelinayay in uu xiriir iyo iskaashi dhow la yeesho dowlad goboleedyada.

"Ujeedada ugu weyn ee cilaaqaadkaas waa in uu u adeegsado wiiqida dowladda Xasan Sheekh iyo in aysan gaarin guulo labin siin karta doorashadda sanadka 2026 oo Deni damac uga jiro," ayay xuseen illo wareedyadda.

Madaxweynaha Puntland ayaa guuldaro siyaasadeed kala soo laabtey doorashaddii madaxtinimada Soomaaliya ee uu kusoo baxay Xasan Sheekh. Murashaxnimadiisa waxaa halbeeg u ahayd in uu la dagaalamy nidaamkii Farmaajo.

"Waa u dhaqan in uu mar walba iska dhigo mid ka shaqeynaya danaha Puntland ama uu magaca Puntland kula dagaalamo dowladda federaalka si uu u gaaro riyadiisa in uu maalin un madax ka noqdo Soomaaliya; marin-habaabintaas ayuu mar kale maleegayaa," ayay tibaaxeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Boosaaso: Shir laga yeeshay la dagaalanka falalka amni daradda

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socdaalka wefdigu ku marayaan gobollada Bari iyo Karkaar.

  • Puntland

    30-09-2024

  • 04:01PM

Puntland oo qabatay eedeysane kamid ahaa dabley afduubatay markab

Markabka MV Abdullah oo la afduubay 12 March 2024 ayaa la siidayay 13 April, kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah.

  • Puntland

    27-09-2024

  • 07:41AM