Saddex degmo oo kusoo biirey mashruuca horumarinta ee JPLG

Image

May 30, 2015 (GO)- Saddex degmo oo cusub ayaa lagu soo daray degmooyinka uu ka shaqeeyo Barnaamijka Horumarinta Degmooyinka Puntland ee Qaramada Midoobey taageerto (JPLG), waxayna taasi toban ka dhigeysaa tirada guud ee dogmooyinka mashruucaas nasiibka u yeeshay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay in degmooyinka Qandala, Buurtinle iyo Galdodob; oo ka kala tirsan gobollada Bari, Nugaal iyo Mudug sanadkan ay kusoo biirayaan degmooyinka u uka shaqeeyo mashruuca JPLG.

Go'aankan ayaa kasoo baxay shirka lix-biloodlaha ah ee lagu qimeeyo horumarka mashruucan, shirkaas oo dhowaan kusoo gaba gaboobey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Mashruucan oo ay maal geliyaan hay'adaha UNDP, UN-HABITAT, UNCDF, ILO iyo UNICEF oo taageero ka helaya dalalka Sweden, USA, Italy, Norway iyo Denmark, wuxuu soo bilowdey sanadkii  2008, wuxuuna horay uga shaqeyn jirey degmooyinka Boosasso, Garowe, Qardho, Gaalkacayo, Bayla, Eyl iyo Jirriiban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM