Salaad Maxamuud Ciise oo ku geeriyootay Garowe

Image
Marxuumka ayaa wuxuu kamid ahaa saraakiisha sar-sarre ee ciidamada difaaca Puntland.

GAROWE, Puntland - Taliska guud ee ciidamada difaaca dowlada Puntland ayaa xaqiijiyey in uu saaka magaaladda caasimada ah ee Garowe uu ku geeriyoodey Sareeye Guud Salaad Maxamuud Ciise (Dhega-dheere).

Marxuumka ayaa wuxuu kamid ahaa saraakiisha sar-sarre ee PDF. War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay taliska waxaa looga tacsiyadeeyay geerida marxuumka looguna rajeeyay naxariista EEBBE.

Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee S/Guuto Salaad Maxamuud Ciise  (Dhega-dheere)  oo ku geeriyoodey Garoowe.

"Waan uga tacsiyeynayaa Qoyskii, Eheladii, Asxaabtii,Ciidamada Difaaca Puntland, Shacabka reer Puntland iyo kan Soomaaliyeed," ayaa Karash laga soo xigtey in uu ku yiri qoraal ay faafisay Madaxtooyadda.

Dhanka kale, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa tacsiyadeeyay Geeridii naxdinta laheyd ee ku timi Allah ha u naxariistee Marxuum S/Guuto Salaad Maxamuud Ciise ( Dhegodheere) , oo ku geeriyooday Garoowe.

"Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan Dawladda iyo ummadda reer Puntland ee uu ka geeriyooday Marxuum S/Guuto Salaad Maxamuud ( Dhegodheere)," ayuu yir.

Cabdicasiis ayaa Eebbe uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka iyo Dawladda Puntland ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo, su'aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo.

Marxuumku oo ciidamada kasoo qabtey xilal kala duwan ayaa "usoo shaqeeyey dadkiisa iyo dalkiisa wakhtiyo adag oo ay ubaah-naayeen,isaga oo qayb weyn ka qaatay dhismaha Ciidamada Daraawiishta dowlada Puntland".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM