Sanyare oo digniin kasoo saarey khalkhal-gelinta nabada Gaalkacyo

Image
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli xarunta gobolka Mudug ay xalay ka dhacdey shaqaaqo waxyeelo sababtey.

GAROWE, Puntland - Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin maamulka magaalada Gaalkacyo ayaa caawa tagay guri uu dagan yahay nabadoon Yaasiin Cabdisamad. Goobta waxaa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali.

Iska-hor-imaad ayaa lagu waramay in uu dhexmaray ciidamadda iyo askarta ilaalineysay guriga. Lama ogga waxa sababay isku-dhaca. Khasaaro u badan dhaawac ayaa lasoo wariyey in dhacdadan ay sababtay. Mas'uuliyiintu wali kama hadlin.

Maamulka gobolka Mudug ayaa gelinkii dambe ee Khamiista maanta ah wuxuu soo saarey qoraal uu ku mamnuucayo shirarka la xiriira arrimaha siyaasadda. Bayaankaas wuxuu yimid xilli waddanka uu galay cimilada doorashooyinka heer federaal.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga, ayaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, wuxuu ku eedeeyay shaqaaqadii caawa ka dhacdey magaaladda Gaalkacyo.

Sanyare oo xaqiijiyey in uu hal askari ku nafwaayey iska-hor-imaadka ayaa sheegay in Cabdisaciid uu xambaarsan yahay wax uu ku qeexay "ka mira-dhalinta siyaasad madhalays ah iyo khal-khal galinta amniga Guud ee Magaaladda Gaalkacyo".

Wareysi uu kal dambe siiyey VOA-da ayuu carabka ku adkeeyay in Puntland ay sida Al-Shabaab ula dagaalameyso "cid walba oo khatar ku ah nabad-gelyadda magaalada Gaalkacyo oo wiilal badan loogu toogtey iyada oo waalidkoodu arkayo".

"Muxuu Cabdisaciid kasoo doonay Gaalkacyo? Doorashadii kal hore ayay dhamaatay. Wax kale uma socdo oo aan ka ahayn in uu khal-khal-gelin ka abuuro magaalada," ayuu carabka ku adkeeyay Sanyare.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa sheegay in ciidamo ka amar-qaata taliyaha booliska gobolka Mudug "ay soo weerareen" goob uu afur ugu sameeyay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad waqoyiga magaalada Gaalkacyo.

Cabdisaciid oo qoraal ku daabacay Twitter-ka ayaa sheegay in socdaalkiisa uu salka ku hayo arrimo qoys wuxuuna "weerarka" ku qeexay "isku day dil siyaasadeed, waxaana kula xisaabtami doonaa dhamaan talaaboyinka laga maarmaanka ah".

Gaalkacyo ayaa ah magaalo u kala qeybsan laba dhinac. Dhanka koonfur waxaa ka talisa Galmudug, halka dhinaca Waqooyi ay maamusho Puntland. Sanadihii lasoo dhaafay, magaalada waxay si adag ula dirirtey kooxaha argagixisada ee xasilooni daradda horseedka u ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM