Saraakiil Ethiopia lagu soo tababaray oo la kulmey Madaxweynaha

Image

May 20, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta aqalka Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe kullan kula qaatay saraakiil ciidan oo katirsan ciidanka Puntland, kuwaasoo Ethiopia tababar kusoo qaatey islamarkaana dhowaan dalka kusoo laabtey.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey dawladda Ethopia tababarka ay siisay saraakiishan ciidan oo udub dhexaad u ah ciidanka Puntland, waxaana uu kula dardaarmay in aqoonta ay soo barteen dib dalkooda ugu celiyaan.

Saraakisha soo qaatay tababarka waxaa ay dhankooda sheegeen inay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada kor uqaadista tayada iyo waxbaridda ciidanka Puntland iyo weliba sidii dalka loo difaaci lahaa ammaankana loo sugi lahaa.

Ethiopia oo Puntland uu kala dhexeeyo xiriir dhinacyo badan leh, waxay dhowr mar oo hore Puntland gacan ka siisey tababarista saraakiisha ciidamada ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM