Saraakiil Ethiopia lagu soo tababaray oo la kulmey Madaxweynaha

Image

May 20, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta aqalka Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe kullan kula qaatay saraakiil ciidan oo katirsan ciidanka Puntland, kuwaasoo Ethiopia tababar kusoo qaatey islamarkaana dhowaan dalka kusoo laabtey.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey dawladda Ethopia tababarka ay siisay saraakiishan ciidan oo udub dhexaad u ah ciidanka Puntland, waxaana uu kula dardaarmay in aqoonta ay soo barteen dib dalkooda ugu celiyaan.

Saraakisha soo qaatay tababarka waxaa ay dhankooda sheegeen inay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada kor uqaadista tayada iyo waxbaridda ciidanka Puntland iyo weliba sidii dalka loo difaaci lahaa ammaankana loo sugi lahaa.

Ethiopia oo Puntland uu kala dhexeeyo xiriir dhinacyo badan leh, waxay dhowr mar oo hore Puntland gacan ka siisey tababarista saraakiisha ciidamada ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM