Saraakiil ka tirsanaa Gorgor iyo Haramcad oo u wareegay Puntland

Image
Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland ayaa Xarunta Madaxtooyada Dowlada Puntland Ee Gaalkacayo kusoo dhaweeyay Saraakiil.

Saraakiisha oo horay uga tirsanaa Dawladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Guutooyinka Haramcad iyo Goror ayaa la sheegay in ay haatan u soo wareegeen Puntland.

Mas'uuliyiin kale oo uu kamid yahay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu soo dhaweeyay saraakiishan.

Munaasabada soo Dhawaynta saraakiishaan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiirka maaliyadda Puntland , Xasan Shire Abgaal, Taliyaha Ciidamada daraawiishta.

Sida laga soo xigtay qoraal lagu daabacaybarta Facebook ee Wasaaradda amniga Puntland, saraakiishan oo dhalinyaro ahaa waxay u soo goosteen "faquuq ay la kulmeen".

Saraakiisha ayaa sheegay in ay wax ku soo barteen dalka Turkiga horayna Puntland si iskooda uga tageen tiro shana dhamaayeen 140 soo laaba- shadoodiina loola dhaqmay si aan wanaag sanayn balse qaybo ka mid ahaa ay ka soo bexeen xerooyinkii ay joogeen," ayay raaciyeen.

"Madaxda dawladda Puntland ayaa Saraakiisha u sheegay in ay ku soo dhowaynayaan Dhulkoodii dawladda Puntland hawlgelin doonto," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda saraakiishan oo illaa haatan kasoo baxay dhanka Taliska Ciidamadda Soomaaliya gaar ahaan guutooyinka Gorgor iyo Haramcad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM