Sarkaal isagoo weesaysanaya lagu dilay waqoyga magaalada Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland – Madaxii xafiiska hay'adda socdaalka ee garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil [Farey] ayaa fiidnimadii Jimcada, 10-ka April, sanadka 2020 la toogtay.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiin, dableyda geysatay dilka ayaa ka baxsatay meesha ay wax ka dhaceen, waxaana ku raadjooga ciidamadda ammaanka oo durba bilaabay howlgalo saf-balaaran leh.

"Marxuumka waxaa la bartilmaameedsaday isagoo weesaysanaya salaada marqib," ayay Garowe Online u sheegeen goobjoogeyaal.

Illaa iyo hadda, fahfaahin buuxda lagama bixin qaabka uu falku u dhacay. Balse, wararka ayaa tilmaamaya in lagu beegsaday masjidka Hudda, xaafadda Israac ee waqoyga xarunta gobolka Mudug.

"Kooxaha hubeysan oo marxuumka ka abaaray qeybaha sarre ayaa ahaa afka kusoo duubtay mara madow ah," ayuu yiri qof ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen oo u waramay warsidaha GO.

Ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda dhacdada lagu khaarijiyey Faray, oo qorsuhu yahay in lagu aaso isla gudaha Gaalkacyo.

Hay'addaha nabad-gelyadda ayaa tibaaxay in ay saxaafada lasoo wadaagi doonan macluumaadka kasoo baxa baaritaanka ay ku bilaabeen kiiska.

Bilooyinkii lasoo dhaafay Gaalkacyo waxaa kusoo kordhay beegsiga mas'uuliyiinta iyo wax-garadka, iyaddoo xukuumadda Deni ay ku adkeysatay in ay xididaha u siibi doonto maleeyshiyaadka argagixisada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM