Sarkaal ka tirsan Booliska Puntland oo lagu xirey magaalada Bossaso

Image

BOSSASO, Puntland- Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa amar ku bixiyey in la xiro Col. Cabdicasiis Cismaan Togox oo ahaa ku xigeenka Taliyaha qaybta Booliska gobolka Barri kadib markii lagu eedeeyey inuu sameeyey amar diido la xiriirta xil ka qaadis lagu sameeyey. 

Col. Togox ayaa sida warsidaha Garowe Online horey u baahiyey HALKAN KA AKHRI  ayaa waxaa horey khilaaf u dhexmarey Taliyaha qaybta Booliska gobolka Barri Cabdixakiim Yusuf Xuseen kasoo markii dambe qoraal xilka looga qaadayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ka soo qorey. Wareegtada Madaxweynaha ayaa taliye ku_xigeen qaybta waxaa loogu magacaabey Sarkaal kale oo magaciisa la yiraahdo Axmad Jiraale.

Wararka dheeraadka ah ayaa sheegaya in khilaafka Toogax iyo Taliyaha qaybta Booliska ay xalintiisa ku jirtey wasaarada amniga Puntland balse hakad galey kadib markii dhaawac soo gaarey Wasiirka amniga Cabdi Xirsi Qarjab.

Warsidahaan ayaa fahansan in xalinta khilaafka u dhexeeyey saraakiisha qaybta Booliska ka wada shaqeynayeen wasaarada amniga iyo taliska sare ee Booliska Puntland balse xafiiska Madaxweynaha Puntland faragalin ku sameeyey kadib markii xill cusub u soo magacaabey taliye ku-xigeen cusub.

Toogax oo ku doodadaya in xil ka qaadista lagu sameeyey sharci aheyn ayaa 26 June, 2016 habeenimadii gudaha u galey qaybta Booliiska gobolka halkaasoo is_rasaaseyn ku dhexmartey ilaalada Taliyaha xilka loo magacaabey Axmad Jiraale.

Labadaan Sarkaal Toogax iyo Jiraale ayaa wararku sheegayaan iney kasoo wada-jeeda gobolka Karkaar.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Barri oo horey eedeymo loogu soo jeediyey ayaa shacabka gobolka Barri aaminsan yihiin in magacaabista Jiraale aheyd mid siyaasadeysan kadib markii Khilaaf dhexmarey ku_xigeenkiisa Col. Toogax.

Xariga Toogax ee Madaxweyne Gaas amrey ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo lagu sameeyo saraakisha amniga Puntland oo khilaaf-yo sababey dhimasho iyo dhaawac dhexmareen.

Gacan ka hadalka horey u dhexmarey saraakisha amniga Puntland kuwasoo sababey dhimasho iyo dhaawac ayaa xukuumada Madaxweyne Gaas ka qaadin wax talaaabo ah oo waafaqsan sharciga balse xil ka qaadis la beegsatey taliyihii Booliska Puntland Afguduud.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM