Sarkaal sarre oo isku day dil kaga badbaadey Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya – Sarkaal ka tirsan laanta dambi-baarista dowladda Puntland, Warsame Yuusuf Axmed [Yeey], ayaa Talaadada maanta ah isku dil wuxuu kaga badbaadey magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo kala duwan.

Weerarkan loo adeegsaday qarax miino oo ka dhacay bartamaha magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa lala beegsaday gaari uu la socday sarkaalka kaasoo la sheegay in uu kusii jeeday hoygiisa.

"Warsame waxba kuma noqon qaraxa loo dhigay. Balse, waxaa burbur xooggan uu soo gaarey gaarigiisa," ayuu yiri sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka magaaladda oo u waramay warsidaha Garowe Online.

Goobjoogeyaal ayaa intaas ku daray in ciidanka amniga ay tageen goobta ay wax ka dhaceen daqiiqado kadib markii falku dhacay isla markaana ay sameeyeen howlgalo aan la ogeyn in cid lagu soo qabtey.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkaas. Balse, waxaa falalka noocaan ah looga bartay Al-Shabaab.

Warsame ayaa lagu waramay in ay walaalo yihiin Cabdullaahi Yuusuf Axmed, madaxwaynihii hore ee waddanka Soomaaliya.

Bishaan Maarso 1-keeda, sanadkan 2021 ayay ahayd markii wariye Jamaal Faarax Axmed ay Al-Shabaab ku dishay magaaladda Gaalkacyo. Dowladda Puntland waxay xustey in ay shaqsiyaad dhowr ah u soo xirtay toogashadda isla markaana ay cadaaladda wajihi doonan xubnahaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM