SAWIRRO: Madaxwayne Deni oo si wayn loogu soo dhaweeyay Qardho

Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland – Madaxwaynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Arbaco ah gaarey magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaarka.

Mas'uuliyiinta gobolka iyo kan degmada ayaa si diiran u soo dhaweeyay wafdiga Deni oo ay qayb ka yihiin wasiiro ka tirsan xukuumadiisa.

Ujeedka safarka madaxwaynaha ayaa la sheegay in ay tahay u kuur-galida xaalada gobolka iyo mashaariicyo uu ka dhegax dhigayo halkaasi.

Waa socdaalkii ugu horeeyay ee ku bixiyo degaanada Puntland tan iyo markii lagu doortay magaalada Garowe 8-da bishii Janaayo 2019.

Madaxwaynaha oo inta uu joogo Qardho la kulmi doono madaxda halkaasi ayaa la filayaa in uu uga sii gudbo dhinaca Boosaaso.

Amaanka ayaa sare loo qaaday waxaana ciidamada la geliyay heegan sare si ay uga hortagaan wax kasta oo khal-khal gelinaya nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM