SAWIRRO: Madaxwayne Deni oo si wayn loogu soo dhaweeyay Qardho

Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland – Madaxwaynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Arbaco ah gaarey magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaarka.

Mas'uuliyiinta gobolka iyo kan degmada ayaa si diiran u soo dhaweeyay wafdiga Deni oo ay qayb ka yihiin wasiiro ka tirsan xukuumadiisa.

Ujeedka safarka madaxwaynaha ayaa la sheegay in ay tahay u kuur-galida xaalada gobolka iyo mashaariicyo uu ka dhegax dhigayo halkaasi.

Waa socdaalkii ugu horeeyay ee ku bixiyo degaanada Puntland tan iyo markii lagu doortay magaalada Garowe 8-da bishii Janaayo 2019.

Madaxwaynaha oo inta uu joogo Qardho la kulmi doono madaxda halkaasi ayaa la filayaa in uu uga sii gudbo dhinaca Boosaaso.

Amaanka ayaa sare loo qaaday waxaana ciidamada la geliyay heegan sare si ay uga hortagaan wax kasta oo khal-khal gelinaya nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM