​Shacabka Galkacyo oo ka hor yimid xukun lagu riday 50 Somali ah

Image

GALKACYO, Puntland- Bannaanbax loogasoo horjeedo xukun ay qaaday maxkamad ku taalla Mombai ee dalka India, ayaa maanta ka dhacay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Dad caraysan oo isugu soo baxay bartamaha degmada ayaa diidanaa go'aanka lagu maxkamadeeyay 50 dhalinyaro Somaliyeed ah, kuwaasoo la sheegay in lagu helay fal-dambiyeed la xiriira Burcadnimo.

Waxay khalad ku tilmaameen qaabkii lagu qabtay iyo habka loo maxkamadeeyay.

Mudaharaadayaasha oo u badnaa haween, ayaa tilmaamaday in dhalinyarada la gumaadayo yihiin ubaxii waddanka islamarkaana la qafaashay iyagoo kalluumaysanaya, sidaas awgeed ay doonayaan in lagusoo wareejiyo dowadda Somaliya si dalkooda cadaalad ugu helaan.

Cabashadan, ayaa timid xilli xukun ciqaabtiisu gaarsiisantahay dil toogasho lagu xukumay 50 ruux Soomaali ah, kuwaasoo ka mid ahaa 119 qof oo horay dowladda Hindiya u sheegtay inay ahaayeen burcad badeed.

Tallaabadan ilaa hadda kama aysan hadlin dowladda Waqtigeedu dhammaaday ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdishu.

Dadka la xukumay, ayaa lagusoo qabtay ilaa afar howl gal oo ciidamada badda Hindiya ka sameeyeen Xeebaha Badweynta Hindiya intii u dhaxeysay 2011 iyo 2012.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM