Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Image
Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

GAROWE, Puntland - Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa habeenkii saddexaad howlo muhiim ah ka sameysay waddooyinka magaalada Garowe maaddaama xilli Roobaad lagu jiro waxay Dowladda Hoose ee Garoowe furidda marshiyeedyada loogu talo galay inay biyuhu maraan, si aanay biyaha roobka ugu hakan laamiyada iyo dariiqyada kale.

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal, iyadoo laga nadiifiyay ciiddii isku xirtay marshiyeedka laamiyadaas.

Maxamed Faarax Cawl oo ah madaxa gaadiidka iyo dhirta ee Dowladda Hoose ee Garoowe oo hormuud u ahaa shaqadan ayaa bulshada ku baraarujiyay inay ilaaliyaan kanaalada biyuhu maraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM