Shacabka oo ka hadlay xaalada Saaxdheer xili madaxda PL ka aamuseen

Image

Garowe,Puntland August.28 [GAROWEONLINE]- Barnaamijka ra'yiga dadwaynaha ee Radio Garowe ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa lagu soo qaatay xiisada kacsan ee ka taagan tuulada Saaxdheer oo ay saaka la wareegeen ciidamo ka socda mamulka Somaliland.

Qabsashada Saaxdheer ee Somaliland ayaa imaanaysa xili shacabka Puntland ay si aad ah u hadal hayaan sababta madax Puntland uga aamusan yihiin doorashadii madaxwaynaha Khaatumo ee Dr.Cali Khaliif Galayr iyadoona maanta lagu waday in halkaasi lagu caleemo saaro.

Dadka ka qayb galay ra'yiga dadwayaha ayaa qaarkood ku dhaliilay madaxda Puntland inay dayaceen Sool taasina ay suurta gal ka dhigtay inay ciidanka Somaliland la wareegaan Taleex iyo tuuladda Saaxdheer oo horay gacanta ugu jirtay Puntland.

Waxay dadku sidoo kale dhaliileen siyaasada madaxda ugu saraysa ee Puntland xili wufuud ka socota dowladda Federaalka oo ka qayb gali lahayd caleemo saarka Prof.Galayr iyo ku xigeenkiisa kasoo dageen garoonka diyaaradaha Buuhoodle oo Puntland gacanta ku hayso. 

Marka laga tago arrimahan oo aan barnaamijka kusoo qaadanay,shirka gollaha wasiiradda Puntland oo maanta qabsoomay wax hadal laguma soo qaadin xaalada Saaxdheer oo lagu soo waramayo in dagaalkii saaka ka dhacay uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Barnaamijkan waxaa tabinaya Cali Cabdi Ducaale

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM