Shacabka Puntland oo taageeray go'aamada shirkii madaxtooyadda

Image

Garowe[GAROWE ONLINE] Shirkan ayaa socday mudo labo maalmood ah ka dib markuu madaxwanaha Puntland Gaas mudo shan iyo toban cisho ah ugu yeeray magalada Garowe inay ku yimaadeen xubnaha DF ugu jira Puntland in kastoo Xildhibaanadda Sool kasoo jeeda ay badankood shirkan imaan.

Barnaamijka Rayiga Dadwaynaha ee ka baxa Radio Garowe ayaa maanta oo Arbaco ah 20,August,2014 lagu soo qaatay qodobkan iyadoona dadwaynaha magalo madaxda Puntland ay rayigooda kasoo dhiibteen siday u arkeen.

Dadkii ka qayb galay barnaamijkan ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin go'aamada kaso baxay shirka waxayna madaxda DF ugu baaqeen inay dhankooda garowsadaan sidii qarannimada Somalia looga shaqayn lahaa.

Dowladii madaxwayne Cabdiraxmaan Farole ayaa xiriirka u jartay madaxda DF ka dib markii Dastuurka KMG ah qodobo muhiim ah laga saaray,qaarkoodna la dholan rogay.

Balse madaxwayne Gaas ayaa mar kale 31,July,2014 xiriirka u jaray DF iyadoo dadku ay la socdeen inuu xiriirku horay u go'naa.

Barnaamijkan waxaa soo diyaarshay Cali Cabdi Ducale 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM