Shacabka Qarxis Nugaal oo diidey go'aanka wasaarada waxbarashada Puntland [ DHAGEYSO]
QARXIS- Kadib markii wasaarada waxbarashada Puntland go'aan ciqaabeed ku ridey dhamaan ardeyda sanadkaan ka qalin jabin laheyd fasalka 8aad ee dugsiga Dhexe tuulada Qarxis ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in waalidiinta iyo waxgaradka degaankaas leeyihiin go'aankaas ma aha mid Cadaalad ah.
Wasaarada waxbarashada Puntland ayaa dhamaan ardeyda ka qalin jabin laheyd fasalka 8aad ee tuulada Qarxis ku ridey Imtixaankii ay kaga gubi lahaayeen fasalkaan iyadoo lagu war galiyey iney dib ugu noqdaan islamarkaana aysan u gudbeen waxbarashada dugsiga sare.
Dhinaca kale wasaarada waxbarashada ayaa kala noqotey in Imtixaan dambe la keeno Qarxis taasoo ka dhigeysa in tuulada iskuulkeeda oo ay dhigtaan 1000 ardey wax ka badan waayeen fursada ah in imitixaanada la galaan isku mar iskuulada kale ee Puntland.
Go'aanka wasaarada ayaa odayaasha iyo waaalidiinta waxay ku tilmaameen mid aan cadaalada waafaqsaneyn islamarkaana lagu ridey boqolaal ardey ah oo iyagu qayb ka aheyn dambigii ka dhacey xaddista lagu sameeyey waraaqaha imtixaanka fasalada 8aad ee Puntland.
Nabadoon ka tirsan odayaasha tuulada oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegey in mas'uulayad darada ugu weyn ee meesha ka dhacdey uu leeyahay sarkaalkii wasaarada waxbarashada u soo dirtey in imtixaankaas ilaaliyo inta la qaadayo balse intii uu guri aan Waardiye laheyn intuu dhigey isaga tagey isagoo la socodsiin saldhiga iyo odayaasha magaalada.
Odeygaan ayaa ka digey in dhibaato xoogan ka dhalan doonto go'aanka wasaarada taasoo keeni karta in waalidiinta tuulada ka guaraan kuwasoo kala aadaya degmooyinka Eyl iyo Garowe halka ardeyda sababi karto in gabi ahaanba ka niyad jabaan waxbarashada.
"Dambi qof iyo labo galaan ummad dhan looma ciqaabi karo sharci Muslim iyo mid gaalo, miyaa la oran karaa hadii dukaan ku yaala Degmada Garowe tuugo jabsato shacabka Garowe oo dhan ayaa wax ka ogaa" ayuu yiri nabadoonkaan isaga oo la hadlaya Radio Garowe.
Degaanka Qarxis ayaa iminka waxaa ku sugan wafti ka kooban xildhibaano kuwasoo shacabka tuuladaas ka wareysanaya arimaha taagan islamarkaana waxay sheegeen xildhibaanada xubin ka tirsan { Siciid Surcad] oo la hadlay Radio Garowe in dib ugu noqon doonaan Garowe kulamana la qaadan doonaan wasaarada waxbarashada Puntland. Halkaan ka dhageyso wareysiga xildhibanaka.
HALKAAN KA DHGEYSO WAREYSIGA NABADOONKA
GAROWEONLINE