Shaqaalaha dowladda hoose ee Bosaso oo mudaharaadey [Dhageyso]

Image

25 August, 2015 (GO)- Waxaa maanta 25 August, 2015 magaalada Bosaaso ka dhacay banaanbax ay dhigayeen shaqaalaha dowladda hoose ee degmada Bosaaso kuwaasi oo ka cabanaya xuquuq ka maqan.

Qaar kamid ah shaqaalahaasi ayaa sheegay inay mushaar qaadan muddo 7-bilood ah.

Duqa KMG Ah ee degmada Bosaso Maxamed Siciid Shabelle oo la hadlay Radio Garowe  ayaa sheegay inuu dibad-baxaasi Jirro, balse isagu uu bixinayay mushaarka shaqalaha tan iyo markii xilkaasi loo soo magacaabey.

"Tiro yar oo ka mid ah shaqaalaha dowladda hoose oo isugu jira waaxda dakhliga iyo ciidanka deegaanka  ayaa maanta sameyay cabasho ay ku doonayaan 7 bilood mushaarkoodi ka maqnaa oo ay ku tirsanayaan maamulkii iga horeeyay, ani horeya ayaan cabashadan ula kulmay waxaan u ballan qaadey inaan mushahaarkooda siin doono inta aan kursiga joogo, taasina waan u oofiyay oo mushahaarkoda waxay u qaadanayeen joogto"Ayuu yiri shabeelle.

Cabashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Madaxweynaha Puntland uu kala direy golihii deegaanka degmada Bosaso oo loo qabtey in lagu soo dhisi doono muddo 45 cisho ah, balse waqtigaasi ayaa dhammaadey iyadoo usan muuqan dhismaha golaha deegaanka degmada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM