Shaqaalaha Puntland Tv oo shaqo joojin sameeyey

Image

GAROWE- Talefishinka afka dowlada Puntland ku hadla ayaa qaybo ka tirsan Wariye-yaasha iyo farsamayaqanada waxay sameeyeen maalintii shaley 23 July, 2016 shaqo joojin kadib markii mushahar la'aan lasoo gudboonaatey. 

Waxaa gabi ahaanba aan la baahin habeenkii xalay 23 July, 2016  wararkii ka baxayey Tv sida warka baxa 6:00 makhribnimo, 8:00 fiidnimo iyo 10:00 fiidnimo kadib marki shaqaalihii baahin lahaa shaqada joojiyeen.

Puntland tv ayaa sida warsidaha GO wararka  ku heleyo waxaa lasoo gudboonaatey hogaan xumo taasoo sababey in shaqaalaha waayaan mushaharkoodii iyadoo dhinaca kale la dhunsadey gunooykooda.

Talaabada ayaa sidoo kale ku soo beegmeysa xilli uu xun yahay xiriirka u dhexeeya Wasaarada warfaafinta iyo saxaafiyiinta Puntland.

Talefishinka ayaa waxaa iminka agaasime KMG ah u ah Nin la yiraahdo Daahir Aflow oo horey u ahaan jirey ku xigeenka hay'adaan. 

Dhowaan ayey aheyd markii Madaxweynaha Puntland u magacaabey xilkaan agaasime cusub nin dhalinyaro ah oo la yiraahdo Jamaal Carrab Yusuf Jibriil kaasoo weli aan xilka la wareegin sababo aan la shaacin.

Jamaal Carrab Yusuf Jibriil oo adeer u yahay Cabdi Barre Yusuf Jibriil ayaa warar aan la xaqiijin u sheegayaan GO in beeshiisa u diidey in uu xilkaan qabto madaama ay aheyd mid siyaasadeysan.

Talaabada xilka loogu magacaabayo agaasimaha cusub oo uu ku lug lahaa Wasiirka ganacsiga Puntland ayaa waxaa macnaheedu ahaa  hor-istaag lagu sameynayo  Cabdi Barre inuu dib uga raadsado beeshiisa xildhibaanimada Barlamanka Somaliya.

Talefishinka Dowlada ee Puntland ayaa labadii sano ee ugu dambeysay  waxaa lasoo gudboonaadey dhibaatooyin la xiriira hogaan xumo Iyo mushahar la'aan baahsan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM