Sharmaar'ke ''Waa lama taabtaan xaduudaha iyo jiritaanka Puntland''

Image

July 17, 2015 (GO)- Ra'iisul Wasaaraha DF Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa sheegay inay lama taabtaan tahay xaduudaha iyo jiritaanka Puntland, hadalkan ayuu ka sheegay munaasibadii salaada ciida ee magalada Garowe.

”Dal iyo qaran ayaa dhisaynaa, dal iyo qarankaasi la dhisaayana ma ahan in qolo ay dhibaato kasoo gaarto, waxaan rabaa inaan idin cadeeyo Puntland xudeedaheeda iyo jiritaankeeda waa lama taabtaan, waana jiraysaa insha allaah, iyadaana ahayd runtii hooyaddii Federaalka Soomaaliya, waxaan lee yahay Soomaali waxaa loo baahan yahay inay is-cafiso”

Sharmarke ayaa sidoo kale shacabka Puntland ka codsaday inay adkaystaan ammaankooda, lana shaqeeyaan mamulkooda si horumarka hada jiraa usii xoogaysto.

Shacabka Islaamka gaar ahan kuwa Soomaalida ayuu u diray farriin hambalyo ah, wuxuan sidoo kale muujiyay inuu ku faraxsan yahay inuu ku ciido Garowe oo ay ku sugan yihiin madaxda Puntland.

RW iyo wafdiga la socda ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magalada Qardho, wuxuna lasoo kulmi doono Boqor Burhaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM