Shir dowlada Puntland wadato oo Galkacayo ka furmaya

Image

24 August, 2015 (GO)-Waxaa maanlinta berri lagu wadaa in magaalada Gaalkacayo lagu qaban doono shirka wadatashiga Puntland, kaasoo furmi doona 25/08/2015.

Gudoomiyaha qaban-qaabada shirka wadatashiga Puntland Maxamuud Xaaji Saalax ayaa Radio Garowe u xaqiijiyay in berri uu dhicidoono shirkaani, isagoo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay gudiyo maanta kulan ku yeeshay maagalada si looga hadlo qorshaha berri.

Maxamuud waxaa uu sheegay in shirka wajigiisa 1-aad ee magaalada Gaalkacyo ka furmaya ay ka qayb gali doonaan in ka badan 200 oo ergo, uuna socon doono 25 May ilaa 29 May.

Ergooyinka ka qayb gali lahaa shirkaan ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin magaalada iyadoo madaxweyne Gaas horey u sheegeen inuu afar waji noqon doono kulankaan.
 
Amaanka magaalada Galkacayo ayaa aad loo adkeeyey iyadoo magaalada ku sugan yihiin ciidamada sugaya ilaalada madaxweyne Gaas.
 
Kulankaan ayaa dadka falanqeeya siyaasada aaminsan yihiin in wax badan uusan ku soo kordhineyn xaalada siyaaseed iyo mida dhaqaale ee dalku ku sugan yahay iminka.
 
Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu xilka qabtey balanqaadey in barnaamijkii dimoqaraadiyada halkiisa ka sii ambaqaadi doono iyadoo sanadkii labaad weli looga fadhiyo soo magacaabista gudiga doorashada Puntland.

GAROWEONLINE.      

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM