Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Image
Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyas Osman Lugatoor ayaa furay Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland (MAP).

Ilyaas waxa uu bogaadiyey waxqabadka iyo doorka warbaahinta ee dawlad-dhiska iyo horumarinta bulshada, dhinaca kalena wuxuu kula dar-daarmay in ay qeybtooda ka qaataan hiigsiga, yoolasha iyo waxqabadka Dawladda Puntland, sidoo kalena ay xooga saaraan Barnaamijyada waxtarka u leh bulshada.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu ballanqaaday illaalinta xorriyadda iyo madax bannaanida warbaahinta Puntland, isaga oo uga mahadceliyey Ururka MAP wada shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa laamaha kala duwan Dawladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM