Siciid Xasan Shire oo soo dhaweeyay dhamaynta xiisadii Qarxis [Dhagayso]

Image

July 21,2015(GO) Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa soo dhaweeyay dhamaynta xiisadii ka taagnayd deegaanka Qarxis ee Gobalka Nugaal taasoo ay isku hor fadhiyeen ciidamo uu hoggaaminayo Gen.Muxyadiin Axmed Muuse iyo ciidanka dowladda.

Shire waxa uu sheegay Puntland dhaqan inay u tahay dhamaynta arrimaha dhexdooda ka dhaca, wuxuna sidoo u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay soo afjarista arrinta Muxyadiin.

''Cid kasta oo wixii gudaha ka socday ka qayb qaadatayna waan u mahad celinayaa, waa dhaqanka reer Puntland lagu yaqaano wax kasta oo dhaca oo lasoo gudboonaada inay xal u helaan iyagoo is-kaashanaa shacab, dhaqan iyo dowlad''.

Hadalkan ayuu sheegay xilli warbaahintu wax ka waydiisay sababta uu maanta u furdhi waayay kalfadhiga Baarlamaanka oo xildhibaanadda todobo bari oo munaasibada ciida loo fasaxay.

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa sheegay kooramka inuu soo buux sami waayay sidaasi darteedna 22-ka bisha uu dib u furmi doono, waxa uu sheegay inay isha ku hayaan siyasada dalka ayna dowladda Federaalka ugu baaqayaan inay dib ugu soo laabato wadadii saxda ahayd.

GAROWEONLINE

 

July 21,2015 (GO
July 21,2015 (GO

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM