Sidee loo fashiliyey weerar ay Daacish ka fulin rabtay Boosaaso?

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Ciidamo ka tirsan askarta PSF oo gaari ku marayey bartamaha suuqa caanaha magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku weerarey labo nin dabley ah oo ku hubeysan bistoolado.

Askartaan oo gaarigoodu ahaa nooca loo yaqaan Barbookiska waxaa tiradoodu aheyd Saddex, waxaana rasaas la beegsadey labo nin oo Saraakiisha amniga sheegtey iney ka tirsanaayeen Daacish.

Weerarkaa waxaa ku dhintey askari, islamarkaana ku dhaaawacmey mid kale, halka askarigii ay u suurgashay inta oo gaarigii ka baxo dilo mid kamid ah dableydii halka uu dhaawac u gaystey mid kale.

Ciidamo boolis ah oo gurmad ahaan goobta u yimid ayaa racdeystay mid kamid ah dableyda oo isku dayey in uu baxsado, hase ahaatee, nolosha ayay kusoo qabteen. Hadda wuxuu ku jiraa gacanta ciidamada.

Dhacdadaan ayaa laga soo wariyey agagaarka dhismaha shirkadda isgaarsiinta Golis, faraceeda xarunta ganacsiga dowladda Puntland.

Sidoo kale, waxay ciidamaddu gacanta kusoo dhigeen agab ay kamid yihiin waxyaabo qarxa oo maleeyshiyaadka ay wateen iyo gaari ay wateen.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in dableyda ay Daacish ahaayeen isla markaana iyaga iyo gaarigooda oo miineysan ay ku raadjoogeen maalmihii dambe isla markaana xogtiisa ay si buuxda u hayeen.

Boosaaso waxaa bilooyinkii lasoo dhaafay ka socday howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka oo ay sameynayeen Hay'addaha Nabad-gelyadda, waxaana muuqaneysa in dedaaladaas ay miradhalayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM